Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Maraykanku Madaxiisa Dul-dhigay 5 Milyan oo Dollar oo la qabtay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Maraykanku Madaxiisa Dul-dhigay 5 Milyan oo Dollar oo la qabtay?

Saami Jasim

Dowladda Ciraaq ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay madaxa maaliyadda ee ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

Saami Jasim al-Jaburi, ayaa lagu qabtay hawlgal ay goob aan la shaacin ka fuliyeen sirdoonka Ciraaq, sida uu bartiisa Twitter ku shaaciyay ra’iisal wasaare Mustafa al-Kadhimi.

Wuxuu intaa raaciyay in Sami oo sidoo kale loo yaqaan Xaaji Hamid uu ahaa kuxigeenka hogaamiyihii ururkaas ee uu Maraykanka ku dilay Suuriya sanadkii 2019, Abubakar al-Baghdadi.

Maraykanka ayaa Saami madaxiisa dul dhigay lacag ah 5 milyan oo dollar, taasoo la siinayo cidda keenta xog lagu soo qaban karo ninkaas.

Hay’adda FBI ayaa sheegtay in Sami uu udub dhexaad u ahaa maamulka maaliyadda ee ururka dowladda Islaamka, isla markaana uu dusha kala socon jiray dhaqaalo ururinta, iibinta shidaalka iyo macdanta kadib markii uu ururkaas qabsaday qeybo kamid ah Ciraaq iyo Suuriya sanadkii 2014.

Warbaahinta Ciraaq ayaa ku warrantay in ninka la qabtay uu aad ugu dhawaa hogaamiyaha cusub ee ururka oo lagu magacaabo Amir Maxamed Saciid Cabdiraxmaan al-Mawla oo lagu bedalay Baghdadi.

Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Ciraaq ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in hawlgalka lagu qabtay Saami uu ka dhacay gudaha Turkiga. Xukuumadda Ankara ayaan ka hadlin arrinkaas.

Horraantii sanadkan, dowladda Ciraaq ayaa shaacisay inay dishay hogaamiye ku xigeenka ururka dowladda Islaamka oo ay magaciisa ku sheegtay Jabir Salman Salax al-Cisawi.

Ururka ayaa mar gacanta ku hayay dhul dhan 88,000 km2 oo ah min bariga Ciraaq ilaa galbeedka Suuriya, wuxuuna xukunno adag ku soo rogay ku dhawaad 8 milyan oo qof oo ku hoos noolaa.

Inkastoo lagu jabiyay dagaalladii ka dhacay Ciraaq iyo Suuriya sanadihii 2017 iyo 2018, ayaa haddana waxaa la rumaysan yahay inuu weli kumannaan dagaalyahanno ah ku leedahay gudaha labadaas waddan.

Wuxuu sidoo kale joogitaan muuqata ku leeyahay Afghanistan iyo Mozambique oo Afrika ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this