Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari Kenyan ah oo ka sheekaynaya sida uu lugihiisa ugu waayay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Askari Kenyan ah oo ka sheekaynaya sida uu lugihiisa ugu waayay Soomaaliya

kenyan.jpg

Wuxuu ahaa 21 jir markii uu si dirqi ah uga badbaaday weerar uu ku waayay labadiisa lugood isla markaana carqaladeeyey noloshiisa.

Alex Hinga ayaa wareysi uu siiyay wargayska Nation ee ka soo baxa dalka Kenya waxa uu ku sheegay inay miino la kacday gaarigii uu saarnaa xilli isaga iyo 39 askari uu hoggaaminayay ay marayeen meel oo 40 kiiloomitir u jirta xadka Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxay iska ahayd lagama maarnaan inaan wadada kula kulanno kooxda Al-shabaab. Waxaana marar badan iska hubinnay wadada ka hor inta aysan dhicin dhacdadaan.” Ayuu yiri.

Waxa uu Maj Hinga, sheegay inuu rajeynayay gulufka gaadmada ah ee uu sheegay inay ku soo qaadeen Al-shabab uu ku soo afjarmay qiyaastiii shan daqiiqadood balse sababta uu waqti intaa ka dheer u qaatay ay tahay cutubkiisa oo ay rasaastii ka dhmaatay.

Waxa uu sheegay in qorigiisa ay hal xabo oo rasaas ah keliya ku soo hartay ka dibna uu go’aansaday intii la qaban lahaa inuu isaga isku dhufto.

“Balse nasiib wanaag inta aan tallaabo qaadin ayaan waxaan maqlay xiinka diyaaradaha nooca helikobtarka iyo madaafic lagu garaacayo dableedii weerarka nagu soo qaadday inkastoo ay diyaaradaha u suurogeli waysay inay meesha iga qaadaan sababo la xiriira in ay weerar ku soo qaadaan cadawga” ayuu yiri

Ugu dambeyn waa la badbaadiyay waxaana lagu qaaday gaari oo lagu geeyay meel badqabkeeda la isku hubo, iyadoo halkaasi looga qaaday diyaarad ka dibna lagu geeyay isbitaal ay leeyihiin ciidamada milatariga kenya oo ku yaallay Dhoobleey ka hor inta aan geeyin isbitaal kale oo milatarigu leeyahay oo ku yaalla Nairobi.

Article share tools

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this