Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Guudlaawe oo shaqada ka eryay agaasimiyaashii wasaaradaha amniga iyo qorshaynta Hirshabeelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Agaasimayashii wasaaradaha amniga gudaha iyo Wasaarada Qorsheynta, isagoo u magacaabay Agaasimayaal cusub .

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xilka loogaga qaaday Agaasimihii Wasaarada Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiraxmaan Cabdi Raage waxa uuna xilkaas u magacaabay Mukhtaar Maxamed Cabdulle.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xiriirka Caalamiga Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdulahi Maxamed Xasan isagoo xilkaas u magacaabay Maxamed Muxumad Cabdulle.

2-13.jpg?resize=990%2C1440&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Cali Guudlaawe oo shaqada ka eryay agaasimiyaashii wasaaradaha amniga iyo qorshaynta Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this