Sign in to follow this  
Deeq A.

Miwoga Musharrixiinta oo war ka soo saaray dib u dhaca doorashooyinka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa shaaciyay in ay wel-wel aad u weyn ka qabaan dib u dhaca doorashada iyo sidoo tafaraaruqa siyaasadeed ee  ka jira dalka, waxaana sidoo kale ay carrabka ku dhufteen in dalku uu marayo xaalad hubanti la’aan ah oo dhanka doorashooyinka ah.

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in Goluhu uu ka xun yahay in jadwalkii doorashada ee horay la isugu raacay ay Seddex jeer dib uga dhacday dhammaan waqtiyadii loo asteeyay.

Qoraalka Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay niyad jab iyo walaac ku abuurtay hubanti la’aanta dhanka doorashooyinka, waxaana yaraaday maalgashiyadii caalamiga ahaa ee dalka.

Midowga Musharaxiinta ayaa hoosta ka xarriiqay in Golaha Wadatashiga Qaran uu qaadayo mas’uuliyadda dib u dhaca doorashooyinka dalka, iyagoo sida qoraalka lagu shegay ay yaraadeen maalgashigii ganacsi, heshiisyadii caalamiga ahaa, kaalmooyinkii dhaqaale, dayn cafinta, iyo mataaladdii Soomaaliya ee fagaarashayaasha caalamiga ah, taasi oo eedeynteeda ay dusha u saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

1-11.jpg?resize=694%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Miwoga Musharrixiinta oo war ka soo saaray dib u dhaca doorashooyinka dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this