Deeq A. Posted October 11, 2021 Ninkii ugu halista badnaa Adduunka Dr Abdul Qadeer Khan xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla Islamabad 2009 11-kii bishii December sanadkii 2003, koox ka socotay sirdoonka Mareykanka, CIA-da iyo kuwa Britain MI6 ayaa doonayay inay raacaan diyaarad aanan wax astaan ah laheyn oo ku wajahneyd Libya xilliggaas oo saraakiishan loo dhiibay darsan nus ahaa oo ay ku jiraan bashqado. Kooxda waxay qarka u saarnaayeen inay soo afjaraan howlgal qarsoodi ahaa oo ku saabsanaa wadahadallo lala yeelanayay saraakiisha Libya, markii ay fureen bashqadaha xilliggii ay diyaaradda raaceen waxay ogaadeen in la siiyay caddeymihii kama dambeysta ahaa ay u baahnaayeen: waxaana gudaha bashqadaha lagu arkay naqshadda hubka nukliyeerka. Naqshaddaas- waxaa ka muuqday waxyaabo qeexayo barnaamijka nukliyeerka- oo uu soo dhiibayay ninka maanta geeriyooday Dr Abdul Qadeer Khan. Khan wuxuu kamid ahaa dadkii ay ku daba jireen laamaha amniga adduunka nus qarnigii ugu dambeeyay, sheekadiisa waxay u udub dhexaad u aheyd teknooloojiyadda ugu halista badan adduunka oo ay ku loolamayaan dalalka heysta iyo kuwa aanan heysan. Agaasimihii hore ee CIA-da Mareykanka George Tenet ayaa Khan ku tilmaamay in ‘uu yahay nin halis ah oo ugu yaraan lamid ah Osama Bin Laden’ Sirdoonada reer galbeedka waxay Abdul Qadeer Khan ku timaameen in uu ahaa ninkii ugu halista badnaa adduunka balse dalkiisa hooyo ee Pakistan waxaa looga yaqaanaa halyeey, waxyaabaha ku gadamaan arrintani kama turjumeyso oo kaliya ah dhibaatada ninkan balse waa mid qeexeysa sida dunida ay u aragto hubka nukliyeerka. Abdul Qadeer Khan uma uusan imaanin Yurub in uu noqdo sirdoon dhanka nukliyeerka balse wuu kamid noqon lahaa, wuxuu ka shaqeynayay dalka Netherlands sanadihii 1970s xilli dalkiisa Pakistan uu bilaabay tallaabooyin uu ku cusbooneysiinayo hubka xilli looga adkaaday dagaalkii 1971 iyaga oo cabsi ka qabay horumarada Hindiya ay gaareysay hubka nukliyeerka. Khan wuxuu la shaqeynayay shirkad laga leeyahay Yurub oo ku howlaneyd horumarinta Uranium-ka, Uranium-ka waxaa loo adeegsadaa quwadda nukliyeerka ama sameynta hubka. Khan wuxuu fikrad ka qaatay qaabka iyo naqshadda lagu horumariyay maaddada Uranium-ka, wuxuu dib ugu soo laabtay dalkiisa, wuxuu sameeyay shabakad qarsoodi ah oo ay ku jiraan ganacsato reer Yurub ah kuwaas u keeni kara qalabka iyo maaddooyinka uu baahan yahay ee muhiimka ah. Waxaa inta badan loogu yeeri jiray. “Aabihii nukliyeerka” Pakistan, wuxuu kamid ahaa dadkii u udub dhexaadka u ahaa nukliyeerka Pakistan, waxaa lagu tilmaamay ‘halyeey qaran’ oo Pakistan ka badbaadiyay halistii uga imaaneysay dhinaca Hindiya. Wuxuu ku guuleystay in shabakaddii qarsoodiga aheyd inay ku howlanaato dhoofinta iyo soo dhoofinta agabyadii, waxay heshiis la gashay waddamo dhowr ah kuwaas oo intooda badan ay reer galbeedka ku tilmaameen ‘dalal aanan damiir laheyn’ Xarunta nukliyeerka Iran ee Natanz, halkaas oo sanadihii lasoo dhaafay uu caalamka isha ku hayay, ayaa waxaa la raacay markii la sameynayay naqshadda iyadoo la adeegsaday agab uu u keenay Abdul Qadeer Khan. xitaa waxaa jirtay mar koox mataleysay Khan ay la kulmeen saraakiil Iraaniyiin ah oo usoo bandhigay inay ka iibsadaan agab iyo naqshad ku saabsan sameynta nukliyeerka. Khan wuxuu dhowr safarro ku tegay Kuuriyada Waqooyi halkaas la rumeysan yahay in uu ku biiriyay talo ku saabsan teknooloojiyadda nukliyeerka gaar ahaan gantaallada. Markii uu galayay heshiisyadan, arrimaha aanan warka laga heynin waxaa kamid ah in kaligii uu ahaa ama uu fulinayay amaradda dowladda gaar ahaan marka la fiiriyo heshiiska uu la galay Kuuriyada Waqooyi, dhammaan astaamaha waxay sheegayaan in dowladda aysan ka war heynin basle ay si dhaw ugu lug laheyd. Mararka qaar waxaa la sheegay in Khan uu ahaa qof dhaqaale doon ah, nin sahlan ma aheyn, wuxuu si dhaw ula shaqeynayay hoggaanka dalkiisa, wuxuu doonayay in uu meesha ka saaro arrinta ku aadan waddamadii reer galbeedka inay xirteen howlaha hubka nukliyeerka. Wuxuu is weydiyay su’aasha ah, maxaa dalalka qaar loogu ogolaanayaa hubkan si amnigeedu ay u xoojiyaan halka dalalka kalena loogu diiday? wuxuu u arkay munaafiqadda reer galbeedka, wuxuu dhihi jiray, “aniga qof waalan ma ihi, aniga ima jeclo ,waxay i jeedinayaan eedeymo aan sal iyo raad toona laheyn sababta oo ah waxaan carqalad ku noqday qorshahooda” Ciidamo siday meydka seynisyahanka xilliggii la aasayay Sirdoonada Britain iyo Mareykanka ayaa bilaabay inay dabagalaan Khan, waxay dusha kala socon jireen safarradiisa, waxay la socon jireen wicitaanadiisa, waxay dabbin u dhigeen shabakaddiisa qarsoodiga aheyd xitaa waxay malaayiin doolar u ballan qaadeen kooxdiisa si ay u helaan xubno u noqdo wakiilo isla markaana sirta usoo gudbiya. “Waxaan ku suganahay gurigiisa gaar ahaan qolkiisa” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha CIA-da, kadib weerarkii 11-kii September 2001 lagu qaaday Mareykanka waxaa jirtay cabsi ah in kooxaha argagixisada ah in uu gacanta u galo hub khasaare badan dhalin kara, marka dowladda Pakistan waxay ka dhaadhiciyeen in tallaabo ay ka qaadaan Khan. Bishii March sanadkii 2003, Mareykanka iyo UK waxay Ciraaq ugu duuleen arrinta ku saabsan inay leedahay hub halis ah oo khasaare badan dhalin kara kaas oo markii dambe la ogaaday in aanay heysan. Khan waxaa la geliyay xabsi guri xitaa waxaa lagu khasbay in uu jeediyo khudbad uu ku qiranayo waxa uu sameeyay, Pakistan waxaa looga aqoonsan yahay halyeeyay qaran maadama uu ka caawiyay inay hesho hubka balse waxaa laga hor istaagay in uu safro ama wax xiriir ah uu la yeesho caalamka. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites