Deeq A. Posted October 11, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhinaca deegaanka Gubadley ayaa sheegaya in goordhow dagaal u dhexeeyo ciidamo ka wada tirsan milatariga dowladda Soomaaliya uu ka qarxay halkaasi Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamada Korneyl Saney Cabdulle iyo kuwa kale oo taabacsan Cismaan Xaadoole oo isna ka mid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya, kana howl-gali jiray gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu hadda ka socdo halka loo yaqaano Xaawo Casir iyo Suuqii hore xoolaha ee Xirgadheere, iyada oo haatan la soo warinayo in dagaalka uu usii durgayo dhinaca deegaanka Gubadley oo fariisin ciidan u ah Saneyl Cabdulle oo dhowaan loo xil-saaray amniga waddada dheer marta dhinaca xeebta. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dagaalka uu yahay mid la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale ma cadda waxa ay isku hayaan ciidamada dagaalamaya, balse waxaa muddooyinkii dambe taagnaa khilaaf culus oo u dhexeeyey Kornleyl Saney & Xaadoole. Dhinaca kale dadka deegaanka ee ku nool Gubadley iyo agagaarkeeda ayaa waxa soo food saartay cabsi xoogan, maadaama dagaalka uu sii xoogeysanyo marba marka ka dambeysa. Faafh faahinta kala soco: Caasimada.net The post DEG DEG: Dagaal culus oo ka socda duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites