Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo kordhay xiisadda Galmudug iyo Ahlusunna?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waan-waan kale oo xalay la isu dayay in lagu dhex-dhexaadiyo hoggaanka Galmudug iyo Ahlusunna, ayaa fashil ku dhammaatay, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, oo waan-waantaas waday ayaa madaxweyne Qoor Qoor hor dhigay saddex qodob oo Ahlusunna ogolaatay, si loo bilaabo wada-hadalka.

Qodobada waxay ahaayeen in maamulka degmada Guriceel ay dib ugu laabtaan magaalada, in Taliyaha Qaybta Booliiska Guriceel isna dib u soo laabto iyo in ay shaqeeyaan kastamyada Canshuuraha magaalada

Ha yeeshee, madaxweynaha Galmudug ayaa diiday qodobadaas wuxuuna shardi ka dhigay in Ahlusunna si buuxda u wareejiyaan maamulka degmada Guriceel.

Labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna ayaa weli sii wada abaabulka ciidan iyo hub urursiga.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka soo kordhay xiisadda Galmudug iyo Ahlusunna? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this