Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan Amniga Puntland oo Garoowe ka qabsoomay

Recommended Posts

Deeq A.   
Shirka.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Shir ku saabsan dardar gelinta iyo xoojinta Ammaanka Puntland ayaa ka qabsoomay xarunta ay Caasimadda Garoowe ku leedahay wasaaradda Amniga Puntland.

Wasiirka Amniga iyo DDR dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shir gudoomiyay shirkaas looga hadlayay xoojinta Amniga guud ee Puntland gaar ahaan ahaan adkaynta Amniga Caasimada Garowe.

Shirka waxa ka qayb galay Lataliyaha Amniga Madaxweynaha, Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garowe.

Shirkaas kadib waxa la filayaa in dowladdu soo saarto go’aamo lagu xoojinayo Amniga Caasimada Garoowe iyo guud ahaan deeganada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Shir ku saabsan Amniga Puntland oo Garoowe ka qabsoomay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this