Sign in to follow this  
Deeq A.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Weli ka Aamusan Barakicintii Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (PP News Desk) — Xubno ka mid ah guddigii uu saaray Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa isaga ku eedeeyay in aamusnsaantiisu la macne tahay inuu taageeray go’aankii lagu barakiciyay in ka badan 2000 oo qof oo Laascaanood ku noolaa. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo sheegta inuu yahay Garaadka Laascaanood ayaa diiddan inuu cambaareeyo barakicinta loo geystay dadkii ku noolaa Laascaanood.

WhatsApp-Image-2021-10-09-at-20.45.58.jpGaraad Jaamac Garaad Ismaaciil miyuu sii aamusnaan doonaa ka sokow barakicintii qasabka ahayd ka dhacday Laascaanood?

“Garaad Jaamac Waa Garaadka keliya oo taageera maamulka Somaliland. Wuxuu u nuglaaday cadaadis kaga yimid ina adeerkiis Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland waayo wuu diiday inuu codkiisa nagu taageera illeen waxaannu nahay guddigii uu saaray. Mana filaynin inuu hoos kala shiro wasiirrada Laascaanood booqanaya lana abaabulo dhagarta lagu barakiciyay dad Soomaaliyeed oo Koonfurta Soomaaliya ka soo jeedda” ayuu ku dooday xubin ka mid ah guddiga oo Puntland Post ka codsaday inuusan magaciisa xusin.

guddi.gif?resize=1000%2C472&ssl=1Guddigii Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil u saaray nabadgelyodarrada Laascaanood.

Sidoo kale, Geelle Cali Guleeed, oo uu dhalay marxuum Cali Guuleed (Maarshaal) ayaa ku eedeeyay Garaad Jaamac inuu oggolaaday barakicinta dad Soomaaliyeed loogu geystay Laascaanood. “Aad baan uga niyadjabay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo oggolaaday falkii fooshaxumaa oo aan marnaba la jidayn karin oo dad aan dambi lahayn oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed lagaga saaray Laascaanood. Hadal waayeel haddii la yeeli lahaa hal waraabe ma cuneen” ayuu Geelle ku qoray gacankiisa twitterka.

BUUHOODLE.gif?resize=1000%2C544&ssl=1Qaar ka mid ah dadkii maamulka Somaliland ka soo barakiciyay Laascaanood oo lagu soo dhoweeyay degmada Buuhoodle.

Dad badan oo Hargeysa ku sugan ayaa, sida Geelle, eed dusha ka saaray Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo maleeshiyada beeshiisu ay tahay tan keliya oo magaalada sheegata kuna tiirsan yahay maamulka Somaliland.

Sidoo kale Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa ilaa hadda ka aamusan barakicinta loo geystay dad Soomaaliyeed. Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay go’aanka Somaliland “barakicin qasab ah”.

© Puntland Post, 2021

The post Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Weli ka Aamusan Barakicintii Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this