Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoraagii Sheekadii Maana Faay Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariiste waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday qoraagii caanka ahaa Dr Maxamed Dahir Afrax.

Dr Maxamed ayaa maalmihi la soo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaal ku yalla London kaas oo uu ugu dambeyntii goordhaw ugu geeriyooday xanuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Maxamed Dahir Afrax ayaa ahaa qoraa caan ku ah qoridda sheeko faneedyada iyo curinteeda, waxa uuna mudda dheer ku dhef jiray howlaha Afka iyo dhaqanka.

Aqoonyahan Maxamed Daahir ayaa sideetameeyadii soo saaray sheekafaneedkii ugu horeyay ee taariikhda casriga ah taas oo lagu qoro Afka Soomaaliga iyadoo sheekadaas oo ka midka ah sheekoyinka loogu akhriska badan yahay ayaa lagu magacaaba ‘Maana Faay’.

Waxa uu hadda ahaa guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista  dastuurka.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this