Sign in to follow this  
Deeq A.

WAA IN PUNTLAND AY TAAGEERTO MAAMUL U SAMAYNTA GOBOLLADA SSC

Recommended Posts

Deeq A.   

Barakicinta maamulka Somaliland ka geystay Laascaanood mas’uuliyadda kowaad waxaa leh maamulka Muuse Biixi uu hoggaamiyo. Mas’uuliyadda dadban ee barakcinta waxaa leh maamulka Puntland waayo waa maamul heer federaal metela Laascaanood. Barakicintu haddii ay dhici lahayd 2015kii ma jiri lahayn wax eed dadban oo maamulka Puntland uu yeelan lahaa: xilligaas maamulkii aan la aqoonsan ee Khaatumo ayaa heer federaal metelayay Sool iyo Cayn.

Sabab kale ayaa jirta oo ay Puntland eed uga soo gaari karto barakicinta dad Soomaaliyeed loogu geystay Laascaanood waa in Axmed Cabdi Xaabsade, oo 2007dii maleeshiyo beeleed uu wato fududaysay in Somaliland qabsato Laascaanood, taas oo keentay barakac baahsan, ku sugan yahay Puntland, waa su’aal weydiin mudan sababta uu dib ugu soo noqday Garoowe si weynna loogu soo dhoweeyay isagoo lasoo barakiciyay.

Xaabsade wuxuu abaabulka ka billaabay koonfurta Laascaanood isagoo ka faa’iideysanayay xilli Puntland ay isdhigatay heshiiskii xabbad-joojinta ay Somaliland la gashay 2005tii awgiis. Sanadkii 2015tii ayuu Xaabsade ka soo goostay Somaliland isagoo soo maray dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Wuxuu noqday barakace la nool dadkuu Garoowe ku soo barakiciyay. Shaki kuma jiro in kuwa reer Sool oo kaalinta siyaasadeed ama dhaqameed ku leh barakicinta haddii ay yimaadaan Garoowe xaalkoodu noqon doono xalay-dhalay.

IMG-20211009-WA0009.jpg?resize=925%2C642Siyaad Cali Jaamac: “Mas’uuliyadda dadban ee barakcinta waxaa leh maamulka Puntland waayo waa maamul heer federal metela Laascaanood.”

Sanadkii 2016kii ayay Puntland dib u la soo noqotay metelaadda siyaasadeed ee Sool iyo Cayn heer federaal. Go’aankaas wuxuu ku qasbay Madaxweynihii Khaatumo marxuum Cali Khaliif Galaydh inuu 2017kii heshiis la galo maamulka Somaliland.

Sheegashada Puntland sheeganayso dhul hadda ay Somaliland ka taliso waa mid qeyb ahaan keentay in dhulka SSC noqdo “dhul lagu muransan yahay.” Shaqada Puntland waxay ku soo koobantay ku ololeynta degmooyinka waqooyi marka doorasho madaxweyne Garoowe ama Muqdisho ka dhacayso.

Waa in Puntland madaxdeedu ogaadaan in dhibka ku dhacay degmooyinka SSC ka yimaadeen dareenka midnimo dhowrista ee dadka degmooyinkaas dega. Puntland kama sii warwareegi karto xilka ka saaran inay gacan ka geysato sida maamul heer federaal loogu samayn lahaa degmooyinka ku yaalla dhulka lagu muransan yahay waayo maannu sii eegan karo waxa Laascaanood ka socda oo xitaa dowladdii federaalku aysan si adag uga hadlin sidii wax looga qaban lahaana aysan soo jeedin. Haddii Puntland taageerto hindise maamulka loogu samaynayo degmooyinka SSC waxaa qasab ku noqonaysa Somaliland inay tanaasul samayso dhankeeda waayo hadda maamul ahaan waxay wax ka dheeftaa tanaasulka dadban ee Puntland iyo maleeshiyo beeleedka degmada Laascaanood sheegata oo hadda waqtigoodu si tartiib tartiib ah u sii idlaanayo.

Haddii Puntland ku guuldarraysatay in degmooyinka Somaliland qabsatay ay ku soo celiso gacanteeda, waxay ku guuleysan kartaa in degmooyinkaasi yeeshaan maamul, waana mid soo afjaraysa himilada goosashada aan sharciga ku salaysnayn ee maamulka Hargeysa.

W.Q. Siyaad Cali Jaamac, Vienna

The post WAA IN PUNTLAND AY TAAGEERTO MAAMUL U SAMAYNTA GOBOLLADA SSC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this