Deeq A. Posted October 9, 2021 Dumarka Soomaalida ah ee Daruuraha hiigsanaya Ubax Cali Faarax oo ku sugan magaalada Sicily, ee Talyaaniga, Weriye Ismaaciil Caynaanshe, ayaa warbixintan ku eegaya sida tebinta sheekooyinka Soomaalida ay isku beddeleen tan iyo dagaalladii sokeeye. Waxaan dhowaan qoraaga abaal marinta ku guuleysatay ee Ubax Cali Faarax kula kulmay xaflad aqoonta looga hadlayay oo ka dhacday jasiiradda Sicily ee Talyaaniga. Waxay ka tirsan tahay tiro gabdho qoraa Soomaaliyeed ah oo dunida laga yaqaanno, ayna ka mid tahay Nadiifa Maxamed oo dhowaan lagu daray liiska dadka u qalma Abaal marinta Man Booker iyaodo ku muteysatay buuggeeda Fortune Men. Muddo qarniyo ah, Soomaaliya waxaa lagu yaqaannay “dalka gabayada” balse dhaqankan ayaa wuxuu u gaar ahaa ragga. Ma aha wax caadi ah in haweenka Soomaalida ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee sheekooyinka soo tebiya, haddana haatan waa kuwa haatan ku biiraya saaxaddaas iyagoo qurbaha ku sugan. Nadiifa Maxamed ayaa lagu daray liiska dadka u qalba Abaal marinta Man Booker Ubax ayaa ii sheegtay arrintan sababtoo ah “fursado badan” ayay ku heystaan meelaha ka baxsan Soomaaliya si ay u hiigsadaan hadafkooda aqooneed – iyadoo aysan dabreyn dhaqamada bulshadooda raga uu hoggaanku u hayo. Waxaa intaas dheer, raadinta xorriyadda ay wax ku qorayaan waxay imaaneysaa iyagoo isku dayaya inay codkooda ka helaan luqado gumeysi sida Talyaaniga iyo Ingiriiska. Codad la illaaway Ubax waxay sanadihii 1970-meeyadii ku dhalay magaalada Verona ee dalka Talyaaniga waxaana iska dhalay aabbe Soomaali ah iyo hooyo Talyaani ah. Aabbaheed wuxuu ka tegay Soomaaliya si uu waxbarashadiisa u sii wato, kaddibna dalkiisa ayuu ku laabtay isagoo ay qoyskiisa cusub la socdaan, si uu u dhiso dal madax bannaan. Ubax oo ku kortay Muqdisho, waxay wax ku baratay labada luqadood ee Soomaali iyo Itaaliyaan. Waxay ahayd qof aad wax u akhrisa waxayna mar walba qori jirtay waxyaabihii ay ku aragtay caasimadda Soomaaliya. Ubax Cali Faarax waxay ku kortay Muqdisho, oo ay ka dhaceen dagaalladii sokeeye ee sanadkii 1991 Sanadkii 1991, iyadoo jirtay 18 sano wiil yarna heysata, ayay Ubax ka qaxday rabshadihii dalka oo galay dagaal sokeeye, oo ilaa maantadan socda. Waxay markii hore ku laabatay Talyaaniga balse haatan wxaya ku nooshahay Biljamka. Boqollaal kun oo Soomaali ah ayaa qaxay – sheekooyinkooda ayaana iyada ku dhiirri geliyay inay wxa ka qorto – gaar ahaan sheekooyinka haweenka. Waxay sheegtay inay leeyihiin “xusuus” gaar ah oo ku saabsan wixii dhacay maaddaama uu dgaaalka saameynta koowaad ku yeeshay. Waxay sheegtay, in sababta ay wxa uga qortay ay tahay, in haweenka Soomaaliyeed “aan la illaabin”. “Su’aalahayga ugu muhiimsan waa: ‘Maxaa dhacaya marka wax walba oo aad ku dhalatay ay burburaan? Maxaad sameyneysaa si aad mar kale u istaagto? Maxaad sameyneysaa si aad u badbaaddo? Buugeedii ugu horreeyay, Little Mother (Hooyo Yar), wuuxu soo baxay sanadkii 2007, wuxuuna ka sheekeynayaa labo dumar oo ilmo adeer ah oo kala baaday kaddibna dib ugu midoobay Yurub. Sida ay qabto Ubax, qoridda sheekooyinka mala awaalka ah waxay u tahay wax mar kale la xiriirinaya isirkeeda iyadoo ku sugan dhul shisheeye. Muddo qarniyo ah Soomaaligu wuxuu ahaa luqad lagu hadlo, waxaana keliya la qoray Ssanadkii 1972. Tani waxay saameysay aqoonteeda -gabaygu afka ayaa laga sheegi jiray, waa la xifdin jiray kaddibna jiilalka ayaa loo gudbin jiray. Buugga Little Mother waxaa ku jira suugaan laga dheegtay gabayada. Ubax ayaa sheegtay in buuggeeda ay ku jiraan saddex gabay oo dib u habeyn lagu sameeyay iyadoo lagu saleynayo haweenka. Guurka la soo qaban qaabiyay Qoraaga waxay ku sugan tahay Palermo, oo ah caasimadda Sicily, si ay u shaac bixiso buuggeeda cusub ee Le stazioni della luna (Qeybaha Dayaxa). Wuxuu ku saabsan yahay caqabadihii laga soo maray gobannimo doonka, waxayna dhiirrigelin ka heshay qoraaga Soomaaliyeed ee caanka ah Nuuraddiin Faarax. Wuxuu qoray buugga Crooked Rib oo luqadda Ingiriiska ku qoran – waxaa la daabacay sanadkii 1970. Wuxuu ka sheekeynayaa sheekada Elba, oo ah gabar yar oo ree xoolo-dhaqato ah ka soo jeedda oo ka baxsaneysa guur loo agaasimay, iyadoo u carartay Muqdisho halkaas oo haddana ay mar kale caqabado kalakulantay ragga. Ubax waxay sidoo kal einta ay shaqadeeda ku dhex jirto soo bandhigtaa sheekooyinka dhex mara ragga iyo haweenka. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites