Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Guurtida Faransiiska oo Somaliland ku bogaadiyey Doorashooyinka Isku-sidkaana ee Golayaasha Wakiilada & Degaanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha Guurtida Faransiiska oo Somaliland ku bogaadiyey Doorashooyinka Isku-sidkaana ee Golayaasha Wakiilada & Degaanka

 

Golaha guurtida Faransiiska ayaa ku bogaadiyay xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland sidii nabad-gelayda ahayd ee ay u dhaceen doorashooyinkii isku sidkanaa ee ka dhacay Somaliland, iyagoo ballanqaaday in ay kaalin ka geysan doonaan taageerrada horumarka Somaliland.

france.png

Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland  u qaabilsan dalka Faransiiska mudane Cali Xasan Ismaaciil oo martiqaad loogu sameeyay xarunta golaha guurtida  ee dalka Faransiiska ayaa kulan la yeeshay guddida saaxiibada dalalka geeska Afrika ee golahaasi,waxa kulanka guddoominaayey Guddoomiyaha kooxda saaxiibadda dalalka Geeska Afrika ee golaha guurtida Faransiisk Senator Cedric Perrin,waxaana goob joog ka ahaa  ku xigeenka Senator mudane Perrin iyo Sentaor Mr. Olivier Cogolotii oo guddida u qaabislan dalka Jabbuuti,  Senator Mr. Alain M arc oo ah u qaybsanaha guddida ee dalka Eritrea, Mr. Jean-Yves Roux oo ah u qaybsana guddida ee  dalka Itoobiya Ethiopia, Mr. Hugues Saury oo ah u qaybsanaha Guddida ee dalka Sudan, Senator Marwo Christine Herzog oo Guddida u qaybsan arrimaha  dalka Koonfurta Sudan,iyaga oo  safiirka Somaliland ee Faransiiska ka dhegaystay warbixin la xidhiidha xaaladaha Geeska Afrika iyo saamaynta Somaliland.

faransiiska.png

Qoraal xafiiska Somaliland  ee dalka Faransiiska ka soo baxay  ayaa  lagu  sheegay in Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska Md Cali Xasan Ismaaciil uu kulan la qaatay Guddida Saaxiibada dalalka Geeska Afrika iyo Faransiiska ee Golaha Guurtida Faransiiska ,kulankaas oo qaatay  muddo saacado ah ,waxaana warkan kasoo baxay xafiiska Somaliland ee Faransiiska lagu sheegay in kulankan layskaga xog-waraystay  xaaladaha Wadamadda Geeska Afrika, Doorashooyinkii isku sidkanaa ee Somaliland ka dhacay sannadkan 2021-ka, kaalinta Faransiisku ka qaadan karo horumarka Somaliland iyo xoojinta danaha labada wadan ee Faransiiska iyo  Somaliland.

madaxda.png

Gudoomiyaha Guddiga Saaxiibadda Geeska Afrika ee Golaha Guurtida Faransiiska Senator Cedric Perrin oo kulankaas ka hadlay ayaa ku bogaadiyey xukuumada iyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland hannaankii nabadgelyada ahaa ee ay ku dhamaadeen doorashooyinkii Wakiiladda iyo Deegaanka ee dhowaan Somaliland ka qabsoomay,isaga oo cadeeyey in dalka Faransiisku diyaar u yahay taageerida nidaamka dimuqraadiyaddeed iyo  ka horumar  ee  Somaliland.

Dhinaciisana Safiirka Somaliland ee Faransiiska Md. Cali Xasan ayaa Guddida Saaxiibada Geeska Afrika ee Golaha Guurtida Faransiiska uga xog-waramay  doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka dhacay , xaalada xanuunka COVID-19  iyo xaalada guud ee dalka ,isaga oo  xukuumadda Faransiiska  uga mahadceliyey deeqdii Talaalka xanuunka COVID-19-ka ahayd  ee dawladda Faransiisku Somaliland soo gaadhsiisay.

guurtida-france.png

Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska ayaa sidoo kale Guddida Saaxiibada Geesta Afrika ee Golaha Guurtida Faransiiska uga xog waramay xaaladda nabadgelyo ee Geesta Afrika iyo ta Somalilandba,isaga oo tilmaamay in Somaliland ay kaalin dhex dhexaadnimo  ah ka qaadatay xaaladda siyaasadeed ee Gobolka Geesta Afrika ee waqtigan.

Dhinaca kale Safiir JSL ee Faransiiska Md Cali ayaa lagu martiqaaday munaasibadda lagu xusayey sannad-guuradii 110-naad ee ka soo wareegtay maalinta Qaranka Taiwan oo lagu qabtay caasimadda Paris.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this