Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada 3-Wasiir oo ka tirsan Somalida -Itoobiya oo Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed magacaabay Goor-dhaweyd

Recommended Posts

Deeq A.   
Magacyada 3-Wasiir oo ka tirsan Somalida -Itoobiya oo Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed magacaabay Goor-dhaweyd

abiy-3.jpg

 

Ra’iisul-wasaare Itoobiya Abiy Axmed ayaa goordhaweyd magacaabay wasiiru-dowlayaal gaadhaya 61 oo ka tirsan wasaaradaha kala duwan ee dowladda federaalka.

Wasiiru dowlayaasha uu Abiy Axmed Magacaabay ayaa noqonaya kuwi ugu badnaa uu dalka Itoobiya yeesho.

Warkan oo aan ka soo xigannay bogga telefishinka FBC aya Deegaanka Soomaalida waxa ugu jirta saddex wasiiru dowle oo kala ah:

1.Saxarla Cabdulaahi, wasiiru-dowlaha wasaaradda caafimaadka.

2.Dr/Enjineer Suldaan wali, wasiiru-dowlaha wasaaradda ee waaxda horumarinta Tamarta.

3.Xasan Maxamed Macallin, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga.

Horayna Soomaalida qaab dhismeedka dowladda dhexe ee dalka Itoobiya waxay ugu yeelatay oo horraanti toddobaadkan loo magacaabay.

1.Axmed Shide, Wasiirka Maaliyadda iyo

2.Adan Faarax, madaxa xaruunta dhexe ee xisbiga xisbiga dalka Itoobiya haya ee EPP ama Barwaaqo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this