Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed oo xilal u magacaabay saddex Soomaali ah + Magacyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta magacaabay wasiiru-dowlayaal gaaraya 61 oo ka tirsan wasaaradaha kala duwan ee dowladda federaalka.

Wasiiru dowlayaasha uu Abiy Axmed Magacaabay oo noqonaya kuwii ugu badnaa uu dalka Itoobiya yeesho ayaa waxaa kasoo muuqday illaa seddex Soomaali ah, kuwaas oo kala ah:

1- Saxarla Cabdulaahi, wasiiru-dowlaha wasaaradda caafimaadka.
2- Dr/Enjineer Suldaan wali, wasiiru-dowlaha wasaaradda ee waaxda horumarinta Tamarta.
3- Xasan Maxamed Macallin, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga.

Horayna Soomaalida qaab dhismeedka dowladda dhexe ee dalka Itoobiya waxay ugu yeelatay oo horraanti toddobaadkan loo magacaabay Axmed Shide oo loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda iyo Adan Faarax, madaxa xaruunta dhexe ee xisbiga xisbiga dalka Itoobiya haya ee EPP ama Barwaaqo.

Abiy Ahmed ayaa xilligan Soomaalida siiyey kaliya hal wasiir oo buuxa, ayada oo dowladdii tan ka horeysay ay ku lahaayeen laba wasiir.
Gobolka Soomaalida waa mid ka mid ah gobollada ugu weyn Ethiopia, sidoo kale tirada shacabka Soomaalida ayaa ah tan saddexaad marka laga yimaado Oromo iyo Amhara, hase yeeshee Soomaalida ayaa dalkaas ku leh xildhibaano iyo wasiiro aad uga yar tiradooda.

The post Abiy Axmed oo xilal u magacaabay saddex Soomaali ah + Magacyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this