Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlusunna oo ciidamo badan gaysay degaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoogagga Ahlusunna Wal-jamaaca ayaa saaka ciidamo fara badan geeyay degaanka Bohol oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

Xiisadda u dhexaysa Galmudug iyo Ahlusunna ayaa sii kordhaysa waxaana labada dhinac maalmahan wadaan abaabul ciidan.

Waan-waan la doonayay in lagu xalliyo xiisadda colaadeed ee labada dhinac ayaa natiijo la’aan ku dhammaatay kadib markii Galmudug shardi ka dhigtay in marka hore Ahlusunna ka baxaan Guriceel.

Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo maalmo ka hor is casilay ayaa isna sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uu nabadii ka door-biday jidka dagaalka.

Ahlusunna ayaa hadda gacanta ku haya dhawr magaalo oo ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud oo ay ku jiraan Matabaan iyo Guriceel.

PUNTLAND POST

The post Ahlusunna oo ciidamo badan gaysay degaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this