Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA oo go’aano waali ah soo saartay kahor xukunka kiiska badda ee Talaadada

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay go’aano waali ah oo u muqda inay ku qiraneyso in looga adkaan doono kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee xukunkiisa la filayo Talaadada.

Kenya ayaa maanta sheegtay inay diiday sharciyadda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u haysato inay qaado kiiskan, waxayna sheegtay inay ka baxday maxkamadda.

“Ka sokow inay ka baxeyso ka qeyb-galkeeda kiiskan, Kenya waxay sidoo kale kula biireysa dalal kale oo xubno ka ah QM kala noqoshada aqoonsiga sharciyadda qasabka ah ee Maxkamadda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegtay in Kenya aysan aqoonsan doonin xukun kasta oo kasoo baxa Maxkamadda.

Qoraalka ayey sidoo kale Kenya kaga cabatay in Maxkamadda ay dhinac u janjeerto, islamarkaana aysna ku habooneyn inay xaliso kiiskan.

Kenya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in Soomaaliya ay tan iyo 1969-kii isku dayeysay inay ku xadgudubto xuduudaha Kenya, sida ay hadalka u dhigtay.

Kenya ayaa bishii March ee sanadkan qaadacday dhageysi oraaheedkii ugu dambeeyey ee kiiska kadib markii Maxkamadda ICJ ay diiday inay mar kale dib u dhigto dhageysiga dacwadda, sida ay codsatay Nairobi. 

The post KENYA oo go’aano waali ah soo saartay kahor xukunka kiiska badda ee Talaadada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this