Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo loogu baaqay inay hakiso go’aanka ay ICJ ka gaareyso dacwadda Somalia iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – David Matsanga, oo ah Gudomiyaha Pan African Forum oo ka shaqeeysa xallinta khilaafadka Africa ayaa warqad qoraal ah uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres usoo jeediyay in Qaramada Midoobay ay soo faragaliso go’aanka ay maxkamada ICJ ku dhawaaqi doonto 12-ka October cidda leh milkiyadda muran biyeedka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya.

David Matsanga waa siyaasi khabiirna ku ah arrimaha xallinta khilaafaadka waxa uu sheegay in khatar weyn ay ka dhallan karto ku dhawaaqista go’aanka ICJ.

David ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda uu sameeyn doona xasiloonida iyo deganaanshiyaha geeska Africa sida uu isaga aaminsan yahay.

Ugu dambeyntii David ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay in go’aanka maxkamadda dib loo dhigo, mana cadda haddii ay Qaramada Midoobay diyaar u tahay inay soo farageliso arrintaan.

Maxkamada Caddaalada Adduunka ayaa la filayaa inay 12-ka bishaan go’aanka ka qaadato dacwada Badda ee Somalia iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda soo geba-gebeysay 18-ka March 2021.

Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda 15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sidoo kale 17-kii March 2021 ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay guul-darreysteen dhammaan wada-xaajoodyadii labada dhinac.

The post QM oo loogu baaqay inay hakiso go’aanka ay ICJ ka gaareyso dacwadda Somalia iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this