Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoogagga Ahlusunna oo Al-shabaab ka saaray degaano kala duwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Cudubyo ka tirsan Xoogagga Ahlusunna  ayaa Saaka Hawlgal Qorshaysan ku qaaday degaanno dhaca Bariga iyo Koonfurta magaalada Guriceel halkaas oo laga soo sheegay malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Xoogagga Ahlusunna oo ku qalabaysan Gaadiidka Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan gudaha u galay degaanno ay si dhuumasho ah ku imaan jireen Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidamada Ahlusunn ayaa laga soo xigtay in ay Al-shabaab ka qabsadeen degaanno kala duwan kadib markii Kooxda Shabaab isaga baxeen dhulkaas.

Ahlusunna ayaa maalmahan waday diyaar-garow ku aaddan in Al-shabaab laga xoreeyo dhulka ay kaga sugan yihiin guud ahaan Galmudug gaar ahaanna Gobolka Galgaduud.

PUNTLAND POST

The post Xoogagga Ahlusunna oo Al-shabaab ka saaray degaano kala duwan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this