Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaasha Sool oo Maamulka Koonfur Galbeed La Wadaagi Doona Magacyada Dadkii Taageeray Barakicintii Somaliland Abaabushay

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (Wararka PP) — Odayaal ka hor yimid falkii maamulka Somaliland iyo maliishiyadiisu Laascaanood kaga barakiciyeen dad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Koonfurta ayaa sheegay in ay maamulka Koonfur Galbeed u gudbin doonaan galka magacyada rag taageeray barakicinta iyo kuwo ka tirsan maamulka gobolka iyo degmada.

Wariye madaxbannaan ayaa wada aqoonsaday rag sheegtay inay magaca magaalada ku hadlayaan iyagoo taageeray dambigii laga galay dadkii magaalada uu maamulka Somaliland ka barakiciyay.

20211006_190321.jpg?resize=1000%2C568&ssDhammaan magacyada iyo wajiyada ragga taageeray barakicinta oo la aqoonsaday.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka dalbaday dowladda Somaliland inay fasiraad ka bixiso go’aankii dad gaaraya 2000 oo qof lagaga soo barakiciyay Laascaanood.

Maamulka Somaliland, oo shalay warqad soo saaray, ayaa dadka uu barakiciyay ku tilmaamay “dad sharci-darro ku deggenaa Laascaanood.”

© Puntland Post, 2021

The post Odayaasha Sool oo Maamulka Koonfur Galbeed La Wadaagi Doona Magacyada Dadkii Taageeray Barakicintii Somaliland Abaabushay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this