Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo daahfuray “Istaraatijiyadda Isbeddelka Koboc iyo Dhaqaale ee Soomaaliya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ah Gole La-talin kaasi oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka
taageera dejinta iyo fulinta siyaasadaha dhaqaale iyo bulsho ayaa daahfuray Istaraatijiyadda Koboc iyo
Dhaqaale ee Soomaaliya isaga oo kaashanaya Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta
Dhaqaalaha iyo sidoo kale wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee u xilsaaran arrimaha dhaqaalaha
iyo bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Dr. Cali Ciise oo furitaanka munaasabadda ka hadlay
ayaa si diirran u soo dhaweeyay wasiirrada, xubnaha baarlamaanka, masuusiliyiinta sare ee Dowladda
Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday ganacsatada, bahda
waxbarashada, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha caalamiga ah. Guddoomiyaha ayaa faahfaahiyay
Istaraatijiyadda oo ka kooban saddex Tiir oo kala ah: horumar waara oo loo dhan yahay; amniga
cuntada, la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo dhisidda awoodda adkaysiga, iyo horumarinta dhaqaalaha
badda ee Soomaaliya. Waxa uu xusay in bilaha soo socda Golaha Dhaqaalaha Qaranku uu diyaarin
doono daraasadaha Istaraatijiyaddu ka kooban tahay iyada oo la kaashanayo Guddi-Hoosaad ka
kooban Wasaaradaha ay khusayso kuwaasi oo qaybtooda ka qaadan doona hagidda diyaarinta
Hiigsiga Istaraatjiyadda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Istaraatjiyadda Isbeddelka Koboc iyo Dhaqaale ee Soomaaliya ay
tahay mid ballaaran oo taabanaysa dhinacyo badan iyada oo yoolkeedu yahay in la helo dal
barwaaqaysan, amni ah, dimuqraaddi ah oo loo dhan yahay, tayada nolosha dadkiisuna ay sarrayso.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inaan keliya
xoogga la saarin xaaladda kala-guurka siyaasadeed balse muhiimad gaar ah la siiyo siyaasadaha
dhaqaalaha iyo bulshada.

Sidaasi si lamid ah, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Baadiyow) oo ah aqoonyahan iyo qoraa
Soomaaliyeed iyo Mudane Andy Kotikula oo ka socday Bangiga Adduunka oo labadooduba ka hadlay
furitaanka munaasabadda ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in isbeddel dhaqaale laga
hirgeliyo Soomaaliya iyaga oo bogaadiyay dadaallada Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee ku aaddan dib
u soo kabadashada dhaqaale ee Soomaaliya iyada oo loo marayo dejinta qorshayaal wax-ku-ool ah.
Mudane Khaliif Cabdi Cumar, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo si rasmi ah u furay
munaasabadda Daahfurka Istaraatijiyadda Koboc iyo Dhaqaale ee Soomaaliya ayaa yiri “Waxa aan
rajaynayaa in diyaarinta Istaraatijiyadda Isbeddelka Koboca iyo Dhaqaaluhu ay xoojin doonto
awoodda ay labada heer ee dowladddu u leeyihiin inay taageeraan horumarka waxsoosaarka
Soomaaliya iyada oo la suurtagelinayo hannaan keeni kara in la gaaro koboc dhaqaale oo loo dhan
yahay iyo abuuridda fursado shaqo oo cusub.”

Intaas ka dib, waxa la gudagalay doodaha iyo falanqaynta ku aaddan saddexda mawduuc ee ay
Istaraatijyaddu ka kooban tahay oo kala ah Horumarka Dhaqaale ee Waara, La-qabsiga Isbeddelka
Cimilada iyo Dhisidda Awoodda Adkaysiga, iyo Dhaqaalaha Badda ee Soomaaliya. Ka-qaybgalayaasha
munaasabadda ayaa iyana soo gudbiyay su’aalaha ay qabaan iyo aragtidooda la xiriirta mawaadiicda
Istaraatjiyadda.

Munaasabadda oo ay ka soo qayb-galeen marti ka badan 100 qof ayaa waxa goobjoog ka aha
Mudane Khalif Cabdi Cumar, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Cabdi Sheekh Axmed,
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknaloojiyadda, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiirka Batroolka
iyo Khayraadka Badda, Mudane Cabdullaahi Sheekh, Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda, Mudane Mahad
Maxamed Xasan, Wasiir-xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed
Aadan, Agaasimaha Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha kuwaasi oo
dhammaantood ka qayb-galay doodaha.

Gebogebadii, Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa dhammaan martida uga
mahadceliyay ka soo qayb-galka munaasabadda iyo talooyinka waxgalka ah ee ay la wadaageen
Golaha, isaga oo ballanqaaday in hannaanka diyaarinta Istaraatijiyaddu ay noqon doonto mid laga
wada qayb-qaato oo ku salaysan wada-xaajood iyo wada-tashi ay u dhan yihiin qaybaha kala duwan ee
bulshada sida dhallinyarada, qurbajoogta iyo bulshada rayidka ah si istaraatjiyaddu u noqoto mid la
wada leeyahay

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this