Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur siyaasadeedka Mustaqbal war ka soo saaray mas’uul laga xiray ururkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur Siyaasadeedka Mustaqbal ayaa si adag u cambaareeyay xariga loo geestay Axmed Qaasim Maxamed oo ah Madaxa garabka dhalinyarada Urur Siyaasadeedka Mustaqbal.

Ururka Mustaqbal ayaa sheegay in aan la joogin xiligii la caburin lahaa dadka “Xoriyadda hadalku waa xaquuq dastuuri ah kuna qeexan si cad dastuurka Puntland, qofna dastuurka iyo shuruucda dalka kama sareeyo” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Mustaqbal.

Hanaanka xisbiyada badan kuma shaqayn karo jawi xarig, caburin iyo cago juglayn, waana in ay ururadda siyaasadda helaan fagaare furan, ay dowladda ku dhaliili karaan kuna toosin karaan. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Dowladda Puntland in si dagdag ah oo shuruud la’aan ah xoriyadiisa loo siidaayo Axmed Qaasim Maxamed”

PUNTLAND POST

The post Urur siyaasadeedka Mustaqbal war ka soo saaray mas’uul laga xiray ururkooda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this