Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga qiimaynta Amniga Garoowe oo la shirsan maamulka degmada iyo saraakiisha Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddigii madaxweyne Deni u magacaabay qiimaynta iyo tala-bixinta Amniga caasimadda Garoowe ayaa la hadda shirsan duqa degmada Garoowe saraakiisha laamaha Amniga iyo guddiyada xaafadaha magaalada. Shirkan ayaa looga arrinsanayaa xaaladda guud ee caasimadda iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee dhinaca Amniga.

Guddiga qiimaynta Amniga caasimadda ayaa ka kooban saddex xubnood oo kala ah Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Puntland ee PISA Cabdirisaaq Ciise Xuseen, Agaasimihii hore ee hay’adda PMPF Maxamed Cabdiraxmaan Faroole iyo Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliya Gen. Bashiir Cabdi Maxamed.

PUNTLAND POST

The post Guddiga qiimaynta Amniga Garoowe oo la shirsan maamulka degmada iyo saraakiisha Amniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this