Sign in to follow this  
Deeq A.

Dacwad Ka Dhan Ah Somaliland Oo Loo Gudbinayo Maxkamadda Adduunka, Yaa Dabada Ka Riixaya Kiiskan?!

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Soomaaliya ee beesha caalamku taageerto sheegtana in laga soo doorto maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si adag uga hadlay musaafurinta ay Somaliland ka bilowday magaalada Laascaanood ee gobolka Soo lee lagu tarxiilay dadka ka dhalasho ahaan ka soo jeeda waddanka Soomaaliya.

Xildhibaan Idiris ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday xukuumadda Muuse Biixi ay tahay mid ugub ah oo meel ka dhac ah, isagoona sheegay in uu diyaarinayo in arrintaas dacwadeeda la geeyo maxkamadda caalamiga ah.

“Waa arrin dhaqan xumo xadgudub ah, dacwad ayaa qoreynaa maxkamadda adduunka ku dacwooneyna, aniga waxaa metala baarlamaanka Afrika, madaxda baarlamaanka Afrika iyo Midowga Afrika waa u dirayaa, waa nasiib darro in dad hantidooda la dhaco, la jidh-dilo oo la soo masaafuriyo,” ayuu yidhi Xildhibaan Idiris. Inkasta oo aanu caddayn sida dadkaasi loo dilay iyo goobta lagu jidh-dilay toona.

Sidoo kale waxa uu sheegay in go’aanka dadkaas lagu masaafurinayay uu bixiyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayada oo uu fuliyay Taliyaha qeybta gobolka Sool, oo ku eedeyay in lagula xisaabtami doono tacadiyada ka dhanka ah dadkaas.

“Waa nasiib darro, waa arrin qalad ah oo aheyd in ay ka hadlaan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waana dadka Koonfurta Soomaaliya oo dhan ma aha arrintaan waa dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.”

“Waa arrin aan laga fileyn Soomaali oo weligeed ka dhicin, Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe abti baa loo yahay waa soo dhaweyn ayaga oo qaxooti ah ayey no-yimaadeen, oo meesha ayey ka guursadeen waxay aheyd in dadkaana sidaas u soo dhaweeyan.”

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sare u kacday xiisadda ka dhalatay masaafurinta ay Somaliland ka bilowday magaalada Laascaanood, kaasi oo si gaar ah loogu beegsanayo dadka kasoo jeeda Koonfurta oo muddo badan deganaa magaaladaas. Waddanka Soomaaliya ayaa siyaalo kala duwan uga dareen celiyey dadka ay Somaliland dalkeeda ka kaxaysay oo sababo amni loogu celoyey dalkoodaasi Soomaaliya

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this