Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Waddani oo Markii u horeeysay ka hadlay warar la xidhiidha in Siyaasiga Maxamuud Xaashi lagu wareejinayo Gudoomiyenimada Xisbiga 

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Waddani oo Markii u horeeysay ka hadlay warar la xidhiidha in Siyaasiga Maxamuud Xaashi lagu wareejinayo Gudoomiyenimada Xisbiga

waddani-e1633346439146.jpg
“Ma hayno Meel uu Maxamuud Xaashi Ku yidhi WADDANI, ayaan ku biiray, Kulmiye isaga oo Kulmiye ah ayaa noogu war dambaysay” Xisbiga Waddani
Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa markii u horreeysay ka hadlay warar maalmihii u dambeeyey soo baxayey oo la xidhiidhay in Siyaasiga Maxamuud Xaashi lagu wareejinayo Xisbiga Waddani.
Axmed Xirsi Ducaale, oo ah Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani, oo arrintan wax laga weydiiyey, ayaa waxa uu ku jawaabay sidan: “Ninkaas siyaasiga ah ee aad magacowday, Maxamuud Xaashi, waa siyaasi reer Somaliland ah, illaa imika lama arag annaguna ma hayno meel uu ku yidhi Waddani ayaan ku soo galay amma ku soo biiray,. Isaga oo ah Xisbiga Kulmiye ayaa noogu dambaysay, siyaasi Kulmiye ka tirsan ayuu ahaa, oo ay is qabteen hoggaanka Kulmiye is hayntoodii Kulmiye ayaa noogu war dambaysay, markaa sabab loo yidhaahdo Waddani ayaa lagu wareejinayaa ma garanayo, wareejinta waxa ka horeysa inuu Waddani yimaado, oo uu Xisbiga ka mid noqdo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this