Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ku saabsan hantida qoyska madaxweynaha Kenya oo la fashilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog ku saabsan hantida qoyska madaxweynaha Kenya oo la fashilay

Uhuru Kenyatta
Uhuru Kenyatta ayaa 2018-kii u sheegay BBC-da inuu doonayay la dagaallanka musuqmaasuqa

Qoyska Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo xukumayay siyaasadda dalka tan iyo xornimadii, ayaa si qarsoodi ah u lahaa shabakad shirkado xeebeed muddo tobannaan sano ah, sida ku cad waraaqo maaliyadeed oo aad u badan oo la soo dusiyay.

Dukumiintiyada “Pandora Papers” oo ah 12 milyan oo faylal – ayaa ah kuwii abid ugu badnaa ee la soo dusiyo oo noocooda ah.

Mr Kenyatta iyo lix xubnood oo ka tirsan qoyskiisa ayaa lala xiriiriyay 13 shirkadood oo ku yaalla meelo ka baxsan waddanka Kenya.

Wali kama aysan jawaabin codsiyada ku aaddan inay ka hadlaan arintan.

Maalgashiga Kenyatta ee ka baxsan dalkiisa, oo ay ku jirto shirkad leh kayd iyo dammaanad qiimaheedu yahay $ 30m (£ 22m), ayaa laga helay boqollaal kun oo bog oo waraaqo maamul ah oo laga helay kaydka 14 shirkadood oo sharci iyo adeeg bixiyayaal ah oo ku yaalla Panama iyo British Virgin Islands ( BVI) iyo meelo kale.

Hantida qarsoodiga ah ayaa lagu ogaaday baaritaan la sameeyay oo la daabacay goor sii horreysay oo Axaddii ah, oo ay soo saareen dalladda caalamiga ah ee saxafiyiinta wax baara (ICIJ), Finance Uncovered, Africa Uncensored iyo ururro kale oo warbaahineed.

Dukumiintiyada ayaa muujinaya in shirkad samafal oo lagu magacaabo Varies laga abuuray sannadkii 2003 -dii Panama, iyada oo hooyada Mr Kenyatta, Ngina, oo 88 jir ah, loogu magac daray deeq bixiyihii ugu horreeyey iyo hoggaamiyaha Kenya oo ahaa deeq bixiyihii labaad, kaas oo dhaxli doona geerideeda kaddib.

Ujeedada aasaaska iyo qiimaha hantidiisa lama garanayo.

Document grab showing president Kenyatta is listed as inheritor of a secret foundation

1px transparent line

Shirkadda Panama ayaa aad loo raadiyaa sababtoo ah kuwa leh hantida dhabta ah waxaa yaqaan qareennadooda oo kaliya mana aha inay magacyadooda ka diiwaangeliyaan dowladda Panama, sida ay tabisay dalladda ICIJ.

Hantida ayaa sidoo kale loo qaabayn karaa in lagu wareejiyo canshuur-dhaaf qofkii beddeli lahaa.

Ma jirto qiyaas lagu kalsoonaan karo oo ah hantida saxda ah ee reer Kenyatta balse danaha ganacsi ee baaxadda leh ayaa ah gaadiidka, caymiska, hoteelada, beeraha, lahaanshaha dhulka iyo warshadaha warbaahinta ee Kenya.

Sannadkii 2018-kii, Mr Kenyatta wuxuu u sheegay barnaamijka Hardtalk ee BBC-da in hantida qoyskiisu ay dadweynuhu ogyihiin, madaxweyne ahaanna uu u caddeeyay hantidiisa sida sharcigu farayo.

“Sida aan mar walba sheego, waxa aan leenahay iyo waxa aan haysanno xogtooda waa mid u furan dadweynaha. Anigoo ah shaqaale dowladeed waxaa la iga rabaa in aan hantideyda ogaado oo aan sannad walba caddeynno,” ayuu yiri My Kenyatta.

“Haddii ay jirto tusaale qof ku dhihi karo wixii aan sameynay ama aan helnay ma ahayn kuwa sharci ah, soo sheeg, waxaan diyaar u nahay inaan wajaho maxkamad kasta,” ayuu raaciyay.

 

Isla wareysigaas ayuu Mr Kenyatta ku sheegay inuu doonayo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo horumarinta hufnaanta inay noqoto dhaxalkiisa.

Wuxuu ballan qaaday inuu baarlamaanka kala shaqeyn doono sidii loo abuuri lahaa sharci ku khasbaya mas’uuliyiinta dowladda inay shaaciyaan hantidooda, laakiin weli xildhibaannadu ma ansixin hindise-sharciyeedkan.

Hoggaamiyeyaasha kale ee adduunka ee lagu magacaabay Waraaqaha Pandora ayaa waxaa ka mid ah Boqorka Urdun Abdullah II, Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK Tony Blair, Madaxweynaha Gabon Ali Bongo Ondimba iyo Madaxweynaha Congo-Brazzaville Denis Sassou-Nguesso.

Macmiilka 13173

Ma cadda in Madaxweyne Kenyatta, oo xilka wareejinaya sannadka dambe, kaddib 10 sano oo uu xafiiska joogay, uu wax ka ogaa aasaaska shirkadda Varies laakiin waqtiga la furay ayaa ku aaddanaa mid ay suuragal tahay in lagu wargeliyay.

Toddobo bilood ka hor xilligaas, ayaa wuxuu ku guuldaraystay doorashadii madaxweynenimada ee 2002 -dii, markaasoo uu ka adkaaday musharaxa mucaaradka Mwai Kibaki, oo wacad ku maray inuu hagaajin doono dambiyada taariikhiga ah iyo sidoo kale inuu bilaabi doono dagaal ka dhan ah musuqmaasuqa.

Waqtigaas, qoyska madaxweynihii xilka ka degay Daniel Arap Moi, oo ahaa saaxiibka Kenyatta, ayaa la sheegay inay lacag kala baxeen dalka, sida lagu sheegay warbixin la dusiyay 2014-kii oo uu soo saaray la taliyaha caalamiga ah ee dhinaca khatarta, Kroll.

Qoyska Kenyatta, ayaa asaasay danahooda siyaasadeed iyo ganacsi intii uu talada hayey madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya, Uhuru aabihiis Jomo. Waxaa lagu eedeeyay inuu jagadiisa u adeegsaday hanti uruursi.

Jomo Kenyatta ayaa sameeyay ganacsiyo ay qoyskiisa leeyihiin muddadii 15-ka sano ahayd ee uu xukunka hayay
Jomo Kenyatta ayaa sameeyay ganacsiyo ay qoyskiisa leeyihiin muddadii 15-ka sano ahayd ee uu xukunka hayay

Ka dib geeridiisii 1978-kii, Ngina Kenyatta, oo ahayd xaaskiisa afaraad, ayaa kaalin mug leh ka ciyaartay ballaarinta danaha ganacsi ee qoyska.

Waraaqaha ay aragtay BBC-da, ee Pandora waxay daaha ka rogeen in 1999-kii Mrs Kenyatta iyo labadeeda gabdhood, Kristina iyo Anna, ay aasaaseen shirkad ka dhisan dalka dibaddiisa- oo lagu magacaabo Milrun Internatinal Limited – oo lagu lammaaniyay BVI.

Sida laga soo xigtay ICIJ, Mrs Kenyatta iyo gabdhaheeda waxaa la taliyay khubaro ku xeel dheer arrimaha hantida caalamiga ah oo khibrad leh oo ka socda bangiga Swiss Union Bancaire Privée (UBP), oo shaqaaleysiisay Alcogal, oo ah shirkad sharci oo laga leeyahay Panama oo ku takhasustay sameynta iyo maamulidda shirkadaha qarsoon ee dibadda.

Dalladdu waxay sheegtay in dalabka lacago adeeg lagu fuliyay oo ay Alcogal u dirtay bangiga ay muujinayaan in la taliyeyaasha u dhashay Switzerland ay la hadlayeen qoyska Kenyatta iyagoo adeegsnayay afgarashada ah “macmiilka 13173”.

Madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki, iyo Ngina Kenyatta oo meel fagaare ah ku sugan sanadkii 2013
Madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki, iyo Ngina Kenyatta oo meel fagaare ah ku sugan sanadkii 2013

Alcogal waxay siisay Milrun xafiis ka diiwaan gashan jasiiradaha ugu waaweyn BVI, Tortola, waxayna siisay xubnaha shaqaalaha inay u noqdaan agaasimayaasha rasmiga ah ee shirkadda.

Natiijadu waxay noqotay shirkad gebi ahaanba la qariyay oo aan dib loogu raadin karin qoyska Kenyatta.

Shirkadan waxay u isticmaaleen Mrs Kenyatta iyo gabdhaheeda si ay u iibsadaan guri ku yaalla badhtamaha London, kaas oo ay wali leedahay, sida ku cad diiwaangelinta Diiwaanka Dhulka ee UK oo ay aragtay warbaahinta Finance Uncovered.

Hantida ugu weyn, oo ilaa dhowaan ay kiraysay Xildhibaanadda Labour-ka Ingiriiska Emma Ann Hardy, ayaa hadda lagu qiyaasay in qiimaheeda uu yahay ku dhawaad $ 1.3m.

Afhayeenka Ms Hardy ayaa sheegtay in Xildhibaanka, “aysan haba yaraatee aqoon u lahayn” cidda leh hantida.

“Waxay la yaabban tahay waxa uu daahfuray baaritaankan, waxayna rumeysan tahay inay muujineyso sababta daahfurnaan dheeraad ah loogu baahan yahay si degdeg ah,” ayaa lagu yiri bayaankeeda.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Finance Uncovered, qoyska Kenyatta waxay isticmaaleen shirkado kale oo ka baxsan dalka si ay uga iibsadaan laba guri oo kale gudaha UK.

$ 30m ee kaydka iyo curaarta

La-taliyayaasha hantida gaarka ah ee UBP ayaa sidoo kale ka caawiyay Mr Kenyatta walaalkiis, Muhoho, inuu aasaaso hay’ad Panama laga dhisay oo la yiraahdo Criselle Foundation sannadkii 2003-dii.

Hay’addaas waxay ka diiwaangashan tahay xafiisyada Alcogal ee Magaalada Panama, waxaana magac ahaan maamula xubnaha guddiga ee ka socda shirkadda sharciga ee Panama.

Waxaa loo dhisay danta Muhoho Kenyatta, waxaana ku xigay wiilkiisa Jomo Kamau Muhoho.

Shirkad kale oo BVI ah oo uu Mr Muhoho lahaa ayaa lagu qiimeeyay inay $ 30m ka joogto suuqa kala iibsiga saamiyada bishii November 2016.

Baaritaan lagu sameeyay diiwaannada dadweynaha ee BVI iyo Panama ayaa lagu ogaaday in inta badan shirkadihii ku xirnaa Kenyatta ay hadda yihiin kuwo hurda, qaarkoodna ay sabab u tahay bixin la’aanta khidmadaha sharciyeynta.

Maaha sharci -darro in la maamulo shirkado qarsoodi ah, laakiin qaar baa loo adeegsaday weji hore si lacag loo leexiyo, looga fogaado canshuuraha iyo lacagaha la dhaqay.

Waraaqaha Pandora, si kastaba ha ahaatee, ma muujinayaan wax caddeyn ah oo sheegaya in qoyska Kenyatta ay xadeen ama ku qariyeen hanti dowladeed shirkadohooda qarsoon ee ka baxsan dalka.

Pandora Papers banner

Waraaqaha Pandora waxay shaaca ka qaadeen ku dhawaad 12 milyan oo dukumiinti iyo faylal fashilaya hantida qarsoon iyo macaamilka hoggaamiyeyaasha adduunka, siyaasiyiinta iyo bilyaneerada.

Xogta waxaa helay Dalladda Caalamiga ah ee Saxafiyiinta Baarista ee Washington DC oo horseeday mid ka mid ah baaritaannadii ugu weynaa ee abid ka dhaca caalamka.

In ka badan 600 oo suxufi oo ka kala socda 117 dal ayaa eegay hantida qarsoon ee qaar ka mid ah dadka ugu awoodda badan dunida.

BBC Panorama iyo Guardian ayaa horkacayay baaritaanka UK.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this