Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo dalkeeda ka saartay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Itoobiya ayaa amar ku bixisay in dalka laga saaro toddobo sarkaal oo oo ka tirsan Qaramada Midoobay,sidda lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Grant Leaity, ku -xigeenka isku -duwaha arrimaha bani’aadanimada ee OCHA, iyo Adele Khodr, oo ah wakiilka UNICEF ee Itoobiya, ayaa ka mid ahaa kuwa la eryay.

Xukuumadda Itoobiya ayaa saraakiiisgaasi ku eedeeyay in ay wadeen faragalin,waxayna u aqoonsatay in ay yihiin kuwo aan u qalmin shaqada ay u hayaan Qaramada Midoobay( persona non grata).

Dowladda Itoobiya waxay amar ku bixisay in muddo 72 saac gudohood ah ay ku baxaan  shaqaalahaasi ka tirsan Qaramada Midoobay .

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in uu ka naxay cayrinta saraakiishaasi,sida uu ku waramay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephanie Tremblay.

PUNTLAND POST

The post Itoobiya oo dalkeeda ka saartay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this