Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax ka ogaw hubka ay Kuuriyada Waqooyi u sameysatay Mareykanka dartii

Recommended Posts

Deeq A.   

Wax ka ogaw hubka ay Kuuriyada Waqooyi u sameysatay Mareykanka dartii

KCNA

Dhawaan tallaabadii ay Kuuriyada Waqooyi ku tijaabisay hubka waxay muujineysaa inay qorsheyneyso sidii ay usii xoojin laheyd hubkeeda.

Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay in sababta ay ugu baahan tahay inay sameysato hubka ay tahay sidii ay isaga difaaci laheyd suurtgalnimada weerarada Mareykanka.

Toddobaadkan waxay Kuuriyada Waqooyi sheegtay inay ku guuleysatay tijaabinta gantaallada riddada dheer.

Gantaalkan oo loogu magac daray Hwasung-8 ayaa kamid ah shan nooc oo hub ah oo la sameeyay kana mid ah qorshaha shanta sana ah ee militeri, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Waa tijaabadii saddexaad ee hubka ay sameyso Kuuriyada Waqooyi muddo bil gudahood.

Horraan waxay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaallada riddada dhaadheer iyo hub kale kuwaas oo ku dhacay goobihii uu bartilmaameedku ahaa.

Bishii January Kuuriyada Waqooyi waxay soo bandhigtay gantaal laga rido markabka gujiska oo ay ku tilmaantay hubkii ugu awoodda badnaa dunida.

Inta uu gaarsiin yahay awoodda hubka uu heysto dalka wax badan lagama ogo.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un wuxuu sheegay in uu sare u qaadayo awoodaha milteri ee dalkiisa.

Kuuriyada Waqooyi waxay wajaheysaa cunaqabateyn dhaqaale, waxay ku gudo jirtaa tallaabooyinka ay sare ugu qaadeyso awooddeeda militeri.

Hubka gaari kara Mareykanka

Hub ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi sanadkii 2007 wuxuu soo bandhigay sida ay heer ugu gaatya teknooloojiyadda dhanka militeriga.

Gantaalka Hwasang-12 wuxuu jari karaa masaafo dhan 4,500 Kiiloomiitar isla markaana waxaa lagu garaaci karaa saldhigyada Mareykanka uu ku leeyahay jasiiradda Guam.

Hwasang-14 waxaana markii dambe la ogaaday in uu awood badan leeyahay isla markaana uu gaari karo 10,000km.

Waana hubkii ugu horreeyay ee baalastiig ah ay tijaabiso Kuuriyada Waqooyi oo gaari Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

KCNA

Hubka Hwasang-15, wuxuu jari karaa masaafo dhan 4,500 Km, haddii uu hubka dhulka kusoo dhaco wuxuu qabsan karaa ilaa 13,000 Km, waxay ka dhigan tahay in uu gaari karo Mareykanka.

Bishii Oktoobar 2020, Kuuriyada Waqooyi waxay tijaanisay hub aanan noociisa la aqoon, waxaana hubkaas lagu sheegay in uu qaadi karo madaxyada nukliyeerka.

Xitaa muuqaalka iyo xajmiga hubkan wuxuu ka yaabiyay khuburrada.

Bishii March, Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay inay tijaabisay hubka qaadi kara madaxyada nukliyeerka isla markaana beegsan kara gooobaha qarsoon iyo sidoo in uu caqabad ku noqon doono lidka gantaallada adduunka.

Gantaalkii ay dhawaan tijaabisay ayaa ah mid aad u dheeraya oo masaafa badan jari karo.

.

Hubka Thermonuclear

Saddexdii bishii September 2017, Kuuriyada Waqooyi waxay sameysay tijaabadeedii ugu weyneyd abid ee hubka Nukliyeerka.

Wuxuu awood u leeyahay in uu qarxiyo 100 ilaa 370 tan, 100-kii tanba wuxuu lix laab ka awood badan yahay gantaalkii lagu dhuftay Hiroshoma Japan sanadkii 1945.

Kuuriyada Waqooyi waxay ku anddacootay inay tijaabisay hubkeedi ugu horreeyay ee nooca thermonuclear ah.

Bishii April 2018, Kuuriyada Waqooyi waxay shaacisay inay joojinesyo tijaabinta gantaalladeeda nukliyeerka ah markii la xaqiijiyay awooddeeda dhanka hubka.

KCNA

Malaayiin ciidan ah

Waxaa lagu qiyaasaa in Kuuriyada Waqooyi ay leedahay in ka badan hal malyan oo ciidan oo shaqeeya iyo lix malyan oo ciidan ah oo ah kuwa keydka.

Sidoo kale, wuxuu dalkan leeyahay 31,000 oo hub ah oo ay kamid yihiin gantaallada riddada dheer oo gaari kara ilaa 60 Mile.

Sanadkii 2012-kii, Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay heyssato 2,500 ilaa 5,000 oo tan oo hubka kimikada ah

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this