Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 2, 2021 Sheekada markee saan gaarto, waalnimo soo dhaaftay, waala lagu qoslaa. Soomaalilaan oo shaacisay in dadka kasoo jeeda koonfurta ay ula mid yihiin Itoobiyaanka Taliyaha booliska gobolka Sool ee Somaliland oo maanta wariyeyaasha kula hadlay gudaha Laascaanood ayaa ka warbixiyey howl-gal ay ciidamada ammaanka saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen magaaladaasi, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay dad u badan ganacsato, kana soo jeedo deegaan ahaan dhinaca koonfurta. Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in ay si gaar ah u beegsan doonaan dadka aan u dhalan deegaanadaasi ee ku sugan gobolka, wuxuuna tilmaamay in dadka kasoo jeeda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ula midyihiin Itoobiyaanka & ajiniibta kale, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo masaafurin doonaan dadkaasi, kana soo saari doonaan guud ahaan deegaanadooda. “Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi, waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale waana ka saaraynaa Laascaanood,” ayuu yiri taliyaha Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray “Annaga Soomaali ma nihin waxbana nagam gelin waxaanu nahay Somaliland,”. Hadalkan ayaa dad badan la yaab ku noqday, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka. Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in Somaliland ay bilowday daad gureynta dadkaasi, iyada oo adeegsaneyo gawaari xamuul ah, sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa muujinaya ganacsatadii Laascaanood ee ka soo jeeda koonfurta oo laga soo saaray magaaladaasi, iyada oo hantidoodii ay taal halkaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay kordheen falalka ammaan darri ee ka dhaca gobolka Sool, gaar ahaan xaruntiisa weyn ee Laascaanood, waxaana taasi ay keentay in Somaliland ay ballaariso howl-gallada ka socda halkaasi. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted October 2, 2021 Laascaanood: Somaliland oo tarxiishay boqolaal qof Laascaanood Arag Fikradaha Ciidamada booliska Somaliland ee magaalada Laascaanood ayaa ku dhawaad 700 oo qof oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya maanta ka tarxiilay magaalada. Dadkan oo isugu jira caruur, haween iyo waayeelba ayaa Somaliland ay ku eedeynaysa amni-darro iyo dilal maalmahan ka dhacayay magaalada Laascannod. Warbixintan waxaa Laascaanood ka soo diray Cabdikariim Olol Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted October 2, 2021 Really bizzare, this Biihi failed and done nothing for SL , except enrich his family, somali nasiib daranaa, maalin walba mid kii hore ka liita usoo baxa, hada doorashadii soo dhow, masaakiinta bal waxa kula kacaayo fiiri!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 3, 2021 Doorasha ma dhowa my friend its over a year and a few months Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qurac&qansax Posted October 15, 2024 Dowladda Soomaaliya oo deeq waxbarasho siinaysa 30 kamid ah ardayda Suudaan ee colaaduhu saameeyeen WWW.HIIRAAN.COM Talaado, October, 15, 2024 (HOL) - Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa dhawaaqday furitaanka deeqo waxbarasho loo fidinayo 30 kamid ah ardayda Suudaan ee... Quote Share this post Link to post Share on other sites