Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Mooshin oo Xasaasiya oo Xildhibaanada Golaha Wakiiladu Codgeliyeen oo Midna loo codeeyay,Midna la banjariyey+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba Mooshin oo Xasaasiya oo Xildhibaanada Golaha Wakiiladu Codgeliyeen oo Midna loo codeeyay,Midna la laaley

 

Mudaneyaasha Muxaafidka ah ee Golaha Wakiillada, ayaa ku guul dareystay inuu meel mar noqdo mooshin ay horkeen Golaha Wakiillada, kaasoo xambaarsanaa nuxur la mid ah mid kale oo ay wateen Xildhibaannada Mucaaradka ee Golahaasi.

Labadan Mooshin oo ujeeddadooud ahayd derejo beddelka Degmooyinka dalka qaarkood, ayaa waxa jabay oo kii ay Muxaafidku wayeen oo sharci yaqaannada Goluhu sheegeen in aanu waafaqsanayn sharci, madaama oo uu ka hadlayey mabaa’id guud oo aanay ku xusin Mooshin qodob gaar ah oo wax laga beddelayo oo la xidhiidhay xeerka 23 ee ismaamulka degmooyinka iyo gobollada.

Mooshinkan fashilmay ee Xildhibaannada Muxaafidku wateen, ayaa la sheegay in ay ku doonayeen in wax lagaga beddelo degmooyin 20 gaadhaya, kuwaas oo qaarkood yihiin derajada D.

Mooshinka la ansixiyey ee Xildhibaannada Mucaaradka wateen, ayaa waxa ay si gaar ah ugu dalbanayeen saddex degmo ee C ahaa in loo dalacsiiyo ‘B’, kuwaas oo kala ahaa Caynaba, Balligudbadle iyo Taleex.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this