Deeq A. Posted October 2, 2021 Cutubyo ka tirsan Xoogagga Ahlusunna Wal-jamaaca ayaa maanta qabsaday Ceeldheer oo u dhexaysa magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb. Ciidamadan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa si nabdoon kula wareegay Ceeldheer halkaas oo ay fariisimo ka samaysteen sida laga soo xigtay dadka degaanka. Tallaabadan ayaa ku soo beegmatay maalin kadib markii Ahlusunna la wareegtay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Sidoo kale Ciidamada Ahlusunna ayaa ku fidsan tuulada Bohol oo kaabiga ku haysa magaalada Dhuusamareeb halkaas oo Khamiistii dagaal culus ku dhexmaray iyaga iyo Galmudug. PUNTLAND POST The post Xoogagga Ahlusunna oo qabsaday Ceeldheer appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites