Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoogagga Ahlusunna oo qabsaday Ceeldheer

Recommended Posts

Deeq A.   

Cutubyo ka tirsan Xoogagga Ahlusunna Wal-jamaaca ayaa maanta qabsaday Ceeldheer oo u dhexaysa magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Ciidamadan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa si nabdoon kula wareegay Ceeldheer halkaas oo ay fariisimo ka samaysteen sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmatay maalin kadib markii Ahlusunna la wareegtay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale  Ciidamada Ahlusunna ayaa ku fidsan tuulada Bohol oo kaabiga ku haysa magaalada Dhuusamareeb halkaas oo Khamiistii dagaal culus ku dhexmaray iyaga iyo Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Xoogagga Ahlusunna oo qabsaday Ceeldheer appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this