Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo Laascaanood ka musaafurisay in ka badan 700 oo qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa maanta magaalada Laascaanood ka musaafuriyay in ka badan 700 boqol oo qof oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya.

Dadkaan oo u badan haween iyo carruur ayaa xalay Booliiska Somaliland ka raafay xaafadaha kala duwan ee Laascaanood.

Dadkan waxa ku jira carruur yar yar oo ku dhashay gudaha Laascaanood sid ay sheegeen goob-joogayaal kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dadka qaarkood jir-dil loo gaystay islamarkaana la weydiiyay su’aalo ku saabsan Al-shabaab ka hor inta aan la musaafurin.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo Laascaanood ka musaafurisay in ka badan 700 oo qof appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this