Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland Oo Kulan Qarsoodi Ah Ku Yeeshay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Inta badan xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland oo u badan kuwa Mucaaradka ah ayaa hadda Shir Degdeg ah ku leh Hotel ku yaalla Hargeysa.

Inkasta oo aanay Warbaahinta weli la hadal haddana Ilo-xogogaal ah ayaa xaqiijinaya in ay ka shirayaan Falka dhaawac ah ee loo gaystay Xildhibaan Axmed-nuur Guruuje, oo aan weli Xukuumadda Somaliland soo qaban ninkii dhaawaca u gaystay.

Xildhibaan Guruuje, oo goor hore qoraal soo dhigay ayaa sheegay in dhaawaca loo gaystay ahaa fal mu’aamarad ah islamarkaana ay dawladnimada wiiqayso in aan la soo qaban qofkii isaga waxyeeleeyay.

Somaliland ayay u gub ku tahay in la dhaawaco Xildhibaan Xasaanad leh islamarkaana aan la soo qaban qofkii dhibta u gaystay.

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan, oo ah ninka dhaawaca gaystay ayaa ka mid ah madax-dhaqameedka Kulmiye taageera.

  • FB_IMG_1633096976665.jpg
  • FB_IMG_1633096971213.jpg
  • FB_IMG_1633096968160.jpg
  • FB_IMG_1633096965976.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this