Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare Ee Somaliland oo Lasoo Gabagabeeyey, 46 Xildhibaan Ayaa Guud ahaan Aqalka loo Doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goordhow lasoo gabagabeeyey doorashada aqalka sare e Somaliland kadib markii la doortay ilaa shan xildhibaan oo cusub.

Senatorka cusub ee Saciid Cabdi Xasan waxaa u tanaasulay Jamac Cabdullahi Maxamed halka Naciimo Xasan Xaaji oo ah kursiga keliya tartan ka dhacay ay ka guuleystay Senatorada hadda ku fadhisay ee Muno Cumar Xasan iyo Sucaad Xasan Maxamed

Senatorka cusub ee Axmed Maxamed Saciid waxaa u tanaasulay labadii la tartameysay ee Xasan Cabdi Gaas  iyo Cabdirisaq Axmed Cali

Waxaa isna Senator noqday Axmed Ibraahim Qorane kadib markii uu tanaasulay  tartamihii kale ee Baashe Maxamed Ismaciil

Dhankeeda Senatorada cusub ee Deeqa Xasan ayaa heshay kursiga, waxaa u tanaasushay Hodan Abuukar Maxamed.

Shalay waxaa Aqalka saree e Somaliland loo doortay Bilaal Idiris, Leyo Axmed, Cusmaan Dubbe, Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Ilaa hadda guud ahaan aqalka sare waxaa loo doortay 46 xildhibaan, kuwaas oo kala ah Jubbaland(4), Koonfur Galbeed(8), Hirshabelle(6), Galmudug(6), Puntland(11) iyo Somaliland(11), waxaana dhimman 8 xubin oo keliya.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this