Deeq A. Posted September 30, 2021 Taliska guud ciidanka PMPF ee dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Bootaan Maxamed Bootaan oo xalay lagu dilay duleedka caasimadda Garoowe. Marxuumka oo ka tirsanaa saraakiisha rayidka ah ee hay’adda PMPF ayaa lagu dilay tuulada Laanta Hawada oo dhinaca bari ka xigta Garoowe kadib muran dhexmaray isaga iyo ninka dilka gaystay. “Taliska Guud ee Ciidamada PMPF waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Bootaan Maxamed Bootaan oo xalay ku geeriyoodey Garoowe.” Aya lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay PMPF. Maxamed Cabdulqaadir Muuse Af-dheere oo ah ninka dilka gaystay ayaa saaka laga soo qabtay degaanka Budunbuto oo ka tirsan Gobolka Nugaal sida ay xaqiijiyeen Booliiska. Hay’adda PMPF oo ka kooban ciidan iyo saraakiil rayid ah ayaa maamusha ciidanka badda Puntland. PUNTLAND POST The post PMPF oo ka tacsiyeeyay dilka marxuum Bootaan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites