Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax ka ogow Farqiga u dhaxeeya Qoriga AK-47 ee Ruushku farsameeyay & M16-ka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wax ka ogow Farqiga u dhaxeeya Qoriga AK-47 ee Ruushku farsameeyay & M16-ka Maraykanka

AK-47
AK-47

AK-47 iyo M16 waa laba ka mid ah qoryaha ugu badan ee la adeegsado, haddii ay ahaan lahayd fallaago, militari ama booliis.

Doodda ku saabsan sinnaanta qoryahaan ayaa dib loo soo nooleeyay dhawaan ka dib rabshado ka dhacay deegaanka Laikipia ee dalka Kenya ka dib markii saraakiisha maamulka ay cabasho ka muujiyeen in burcadda halkaasi jooga ay ku hubeysnaayeen qoryaha casriga ah sida M16 halka ay booliisku ay adeegsanayeen qoryaha sida G3.

Labada qoriba waxay caan ku noqdeen u adeegsiga dagaalada, waxayna aad u soo shaac baxeen Dagaalkii Qaboobaa.

Waxaa hubkan kala adeegsan jiray Mareykanka iyo ciidamada Soofiyeeti

Hubka noocan ah meel waliba maanta wuu yaalla, waxaana adeegsada milateriga, booliska, argagaxisada, dambiilayaasha, iyo xitaa dadka rayidka ah – waxaana ka dhashay in is-barbar-dhig lagu sameeyo.

Soofiyeedku waxay soo saareen qoriga AK-47 wax yar ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Qorigan waa mid fudud oo si sahlan loo adeegsan karo, qiimihiisu yar yahay islamarkana aan kaa istaagayn.

Horraantii 1950 -meeyadii, waxay bilowday in ay adeegsadaan Ciidankii la oran jiray ciidamada Cas ee Ruushka.

Ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Ciidanka Mareykanka ayaa markii hore diiradda saarey sameynta hubka loogu talagalay in ay darandoori u dhacaan, taasoo horseeday in la soo saaro M14.

Ilaa dagaalkii Vietnam, waxaa tartamayay qoryaha AK-47 iyo M14, si loo tayeeyo qorigan M14, ayaa aakhirkii waxaa la soo saaray qoriga M16.

M16
M16

Qaab dhismeedka qoriyahan

Qoriga AK-47 waa qori, adeegsada rasaasta 7.62x39mm.

Qorigan AK-47 inta badan sida ay sheegeen dadka isticmaala waa mid la isku haleyn karo oo aan kaa joogsanayn.

Dhanka kale qoriga M16 -ka ayaa ah qori loo adeegsado rasaas 5.56x45mm ah.

Qoriganqaab -dhismeedkiisu wuxuu ku salaysan yahay xoogga si toos ah uga yimaada rasaasta marka la ridayo.

Waxaa loogu talagalay ugu horrayn in uu noqdo qori fudud, iyo rasaastiisa oo fudud, leh-na xawaare sare si ay dadka isticmaala ugu suurta gasho in ay qaataan rasaas badan.

Toogashada

Toogta iyo masaafada uu gaaro qoriga AK-47 ayaa dhererkeedu yahay 415 mm, M16 uu dhererkiisu yahay 508 mm.

AK-47 waa qori gaas ku shaqeeya oo dhinac walba ku leh meere wareegsan

Qoriga M16 ayaa sidoo kale ah qori darandoori u dhaca ama qori leh boorso wareegsan.

Dhanka miisaanka

Qoriga AK-47 Miisaankiisu wuxuu u dhexeeyaa 3.26 ilaa 4.0 kiiloogaraam, halka M16 uu yahay 4.3 kiilogaraam.

In Intee dhan ayaa la isku hallayn karaa?

AK-47 wuxuu caan ku yahay adayg iyo cimri dherer.

Qorigan waxaa xitaa si sahlan u adeegsan kara qof aan lahayn tababar.

Waxa kale oo loo qaabeeyey si ay ugu shaqayn karto jawiyo kala duwan.

Qoriga M16 ayaa horey u yeeshay sumcad wuxuuna ku dhawaad laba jeer ka heer sareeyaa dhanka waxqabadka marka la barbar dhigo AK-47.

Naqshadaynta M16 waxay u baahan tahay adeegsi joogta ah islamarkana haddii muddo dheer aan la isticmaalin waxaa ku iman karta cillad ama in uu joogsado.

M16 si joogto ah ayaa loo cusbooneysiiyaa si kor loogu qaado tayadiisa iyo adkeysigiisa.

Farsameyntooda

Midowgii Soofiyeeti ma xakamayn soo saarista AK-47 iyadoo la raacayo xuquuqda daabacaadda sharciga ah.

Markaa, AK-47 waxaa lagu sameeyaa dalal badan, waxaana kala duwan tayadiisa.

Waxaa loo naqshadeeyay hub fudud, jaban, oo si sahlan loo isticmaali karo, inta badan way fududahay in la helo nooc kale oo qorigan ah haddii ay kii hore cillad kaaga timaado.

M16, dhanka kale, wuxuu ka samaysan yahay qalab tayo sare leh.

Si ka duwan AK-47, M16 waa la beddeli karaa oo la casriyeyn karaa.

Qiimaha AK-47 v M16

In kasta oo ay jiraan noocyo badan oo loo heli karo labada qori, haddana marka la barbardhigo naqshadda, AK-47 wuu ka jaban yahay M16.

Qiimaha dowladda ee AK-47 wuxuu u dhexeeyaa $ 150 illaa $ 200, waxayna ku xiran tahay soo saaraha iyo qandaraaska.

Qiimaha dowladda ee M16 waa $ 673 halkii qori oo cusub marka loo eego qandaraaska Ciidanka Mareykanka ee sanaddii 2012.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this