Sign in to follow this  
Deeq A.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Wasiir Dubbe oo kamid noqday Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   
20210929_162504.jpg?resize=720%2C488&ssl

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku guuleystay kursiga 3aad ee xildhibaannadda Aqalka Sare ee ka imanaya Somaliland.

Kursigan oo tartan adag ay u wada galeen Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Prof. Maxamed Maxamuud Alle-bari ayaa waxaa wareegii labaad ku guuleystay 25 cod Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuikar Dubbe ayaa ku guuleystay kursiga 4aad Aqalka Sare ee ka imanaya gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Leyla Axmed Ismaaciil ayaa iyaduna ku guuleystay kursiga 5aad, Layla Axmed Ismaaciil waxaa u tanaasulay Maxamed Maxamuud Cabdi.

Kursiga 6-aad Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland waxaa ku guuleystay Bilaal Idiris Cabdullaahi oo horay ugu fadhiyay, isagoo wareegii koowaad helay 37 Cod, halka Seynab Axmed Boqore oo la tartamaysay ay heshay 8 cod.

Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo maanta qorshuhu ahaa in la doorto lix kursi ayaa la soo gabagabeeyay.

PUNTLAND POST

The post Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Wasiir Dubbe oo kamid noqday Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this