Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Guruuje Oo Ka Warramay Xaaladiisa Caafimaad

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)- Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur (Guruuje) oo ka tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland, oo saaka uu dhaawac u gaystay Suldan Saleebaan Boqor Cismaan, oo kamid ah madaxda dhaqanka Somaliland, ayaa sheegay in suldaanku uu weerar gaadmo ah u gaystay isla markaana, uu meelo kala duwan ka dhaawacay.

Guruuje ayaa sheegay in Suldaan Saleebaan uu dil toogasho ah ugu hanjabay, hanjabaadaas oo uu u gudbiyay ciidamada amaanka.

Xildhibaan Guruje isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Saaka 9:00am aniga oo ku socda shaqo aanu ku lahayn golaha wakiillada, oo maraya Xarunta Gobolka Maroodijeex, oo aan telefoon ku hadlayo, ayaa ninka la yidhaaho Suldaan Saleebaan Cismaan oo maalin dhawaydna iga weeraray warbaahintu iga daba yimid, kadibna hangool uu sitay ayuu halkaa qadaadka danbe igaga dhuftay anoo sii jeeda oo aan arkaynin”

Xildhibaanku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray.”Markii aan ku soo jeedsadayna laba jeer oo kale ayuu ii taagay (igu dhuftay), halka nabar ayaa iga gaadhay (gacanta midig) mar-labaadna gacantaas (gacanta bidix) ayuu ku burburay hangoolkii, markii intaasi dhacday dadkii ayaa nagu soo ururay isna meeshi ayuu ka carararay, hangoolkii oo jaban iyo warbixintiina waxan geeyay Saldhiga Dhexe ee Hargaysa”

Guruuje ayaa sheegay in Suldaan Saleebaan uu dil toogasho ah ugu hanjabay, hanjabaadaas oo uu u gudbiyay ciidamada amaanka.”Dil iyo xabad ayuu iigu hanjabay, oo wuxuu yidhi xabad baan kugu dhufanayaa, arintaana hay’addaha sharciga ayaan ku wargaliyay”

Xildhibaanka ayaa sheegay in lagu daweeyay cisbitaalka weyn ee Hargaysa, isla markaana ay xaaladiisu hadda wanaagsan tahay marka laga yimaado waxooga dawakhaad ah oo uu dareemayo dhiig badan oo ka yimid awgeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this