Deeq A. Posted September 29, 2021 Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya Senetor Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku qaabilay xafiiskiisa u qeybsanaha arimaha Ciidanka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiishan ayaa ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka iskaashi ee dhanka Milatariga ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Wasiirka Wasaaradda Gashaandhigga ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay dadaalka dhismaha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo taageerada aan kala joogsiga laheyn oo ay siiso. Saraakiisha ka socotay dowladda Turkiga ayaa dhankooda sheegay inay sii laba jibaari doonaan tababarka iyo qalabeynta Ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Turkiga oo ballan-qaad horleh u sameeyay Soomaaliya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites