Sign in to follow this  
Deeq A.

220 Dumar Garsoorayaal ah oo ka dhuumanaya Niman dadka dila oo ay Talibaan ka sii daysay Xabsi

Recommended Posts

Deeq A.   

220 Dumar ah oo ka dhuumanaya Niman dadka dila oo ay Talibaan ka sii daysay xabsi

Women walk in front of a blast wall wearing a traditional burka

Waxa ay hormuud u ahaayeen dadka xuquuqda dumarka u taagan ee dalka Afghanistan. Waxa ay ahaayeen difaacayaasha sharciga, waxayna xuquuq u raadinayeen kuwa sida ugu daran loo gacan bidixyeeyo waddankaas.

Balse hadda, in ka badan 220 ka mid ah dumarka garsooreyaasha ah ayaa dhuumanaya iyagoo ka cabsanaya in lagula kaco falal aargoosi ah, xilli ay xukunka gacanta ku hayaan Taliban.

Lix ka mid ah dumarkaas ayaa BBC-da la hadlay iyagoo ku sugan meelo qarsoofdi ah oo ku yaalla gudaha Afghanistan. Dhammaan magacyadooda waa la baddalay si loo ilaaliyo amnigooda.

Gabdha aan ku magacownay Masooma, intii ay ku jirtay xirfaddeeda garsoorenimada waxay xukunno ku ridday boqollaal rag ah oo lagu helay dambiyo la xiriira qalalaase ka dhan ah haweenka, oo ay ka mid yihiin kufsi, dil iyo tacaddiyo jirdil ah.

Laakiin maalmo yar kaddib markii ay Taliban la wareegeen maamulka magaaladeeda, waxaa xabsiyada laga sii daayay kumannaan dambiileyaal ah, islamarkiina waxaa ku billowday hanjabaado dil ah oo loo soo dirayo.

Farriimo qoraal ah, codad iyo wicitaanka lambarro aan la aqoonin ayaa kusoo dhacayay telefoonkeeda.

“Habeen saq dhexe ayay ahayd markii aan maqalnay in Taliban ay maxaabiis sii daayeen,” ayay tiri Masooma.

“Islamarkiiba waan cararnay. Waxaan ka tagnay guryaheenna iyo wax walba oo noo yaallay.”

Haweeney ayaa ku oyneysa mudaharaad looga soo horjeeday in xubnaha dowladda ku meel gaarka ah oo dhan ay yihiin rag
Haweeney ayaa ku oyneysa mudaharaad looga soo horjeeday in xubnaha dowladda ku meel gaarka ah oo dhan ay yihiin rag

20-kii sano ee lasoo dhaafay, 270 dumar ah ayaa garsooreyaal ka noqday dalka Afghanistan. Maadaama ay yihiin qayb ka mid ah dumarka ugu awoodda badan waddanka, waxaa loo yaqaannaa inay yihiin dad caan ah.

“Gaari ayaan ugu safray magaalada bannaankeeda, waxaan xirtay dhar i wada daboolaya, qof i aqoonsan karayna ma jirin. Nasiib wanaag, waxaan ka gudubnay dhammaan baraha ay joogeen ciidanka Taliban.”

Wax yar kaddib markii ay baxeen, dariskeeda ayaa usoo diray farriin qoraaleed ay ugu sheegayeen in dhowr xubnood oo ka tirsan Taliban ay tageen guriga ay ka carartay.

Masooma waxay sheegtay in markii loo tilmaamay ragga gurigeeda tagay ay garatay qofka raadinayay.

 

Taliban fighters approach female protestors in Kabul
Dagaalyahannada Taliban oo hor taagan mudaharaadeyaal haween ah oo ku dibad baxayay Kabul

Dhowr bilood ka hor, intii aysan Taliban xukunka qabsanin, Masooma waxay go’aan ka gaareysay kiis ku saabsan nin kooxdan ka tirsan oo loo heystay in uu si arxan darro ah u dilay xaaskiisa.

Markii ay dambiga ku heshay, Masooma waxay ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah.

“Wali niyaddeyda ayaan ka dhex arkaa sawirka haweeneydaas da’da yar. Wuxuu ahaa dambi arxan darro ah,” ayay tiri Masooma.

“Markii uu kiiska dhammaaday kaddib, dambiilihii ayaa ii soo dhawaaday, wuxuuna igu yiri: ‘Markii aan xabsiga kasoo baxo, waxaan kugu sameynayaa wixii aan ku sameeyay xaaskeyga.’

“Markaas warkiisa uma qaadanin wax weyn. Balse tan iyo markii ay Taliban xukunka qabsadeen, wuxuu isoo wacay marar badan, wuxuuna ii sheegay inuu dhammaan macluumaadkeyga kasoo helay xafiiska maxkamadda.

“Wuxuu igu yiri: ‘Waan ku heli doonaa, waana kaa aar gudan doonaa.'”

Ugu yaraan 220 dumar ah oo horay u ahaan jiray garsooreyaal ayaa la ogyahay in waqti xaadirkan ay ku dhuumanayaan qeybaha kala duwan ee dalka Afghanistan, sida lagu xaqiijiyay baaritaan ay sameysay BBC-da.

Lix ka mid ah haweenkaas oo BBC-da kula hadlay gobollo kala duwan shantii isbuuc ee lasoo dhaafay gudahooda waxay sheegeen sheekooyin isku eg.

Dhammaantood waxay heleen hanjabaado dil ah oo ay usoo direen xubnaha Taliban ee ay horay xabsiga ugu xukumeen. Afar ka mid ah raggaas waxaa si gaar ah loogu sheegay in ay yihiin niman loo xukumay dambi ku saabsan inay xaasaskooda dileen.

Kulligood way baddaleen lambarradooda telefoonka ugu yaraan hal mar, sababo la xiriira hanjabaadaha dilka ah ee loo soo diray.

Hadda dhammaantood waxay ku nool yihiin meelo ay ku dhuumanayaan, dhowr maalmood oo kasta kaddbna way baddalaan meesha ay joogaan.

Waxay wada sheegeen in guryihii ay ka tageen ay u daba mareen xubno ka tirsan Taliban. Darisyadooda iyo dad saaxiib la ah ayaa soo tabiyay in la weydiiyay su’aalo ku saabsan meelaha ay ku maqan yihiin.

Taliban oo ka jawaabeysay eedeymahan, waxa uu afhayeenkooda lagu magacaabo Bilal Karimi ku yiri BBC-da: “Garsooreyaasha dumarka ah waa in ay guryahooda ugu noolaadaan sida qoysaska kale, iyagoo aan cabsaneynin. Ma jirto cid halis galin karta. Militarigeenna khaaska ah ayaa u xil saaran in ay baaraan cabashooyinka noocaas ah iyo in ay tallaabo ka qaadaan wax walba oo xad gudub ah.”

Ciidanka Taliban oo ilaalinaya bannanaka garoonka diyaaradaha ee Kabul
Ciidanka Taliban oo ilaalinaya bannanaka garoonka diyaaradaha ee Kabul

Waxa uu sidoo kale ku celiyay ballan qaadkii Taliban ee ahaa “cafiska guud” ee loo fidiyay shaqaalaha dowladdii hore ee ku sugan guud ahaan dalka Afghanistan: “Cafiskeenna waa mid aan ku raadineyno wanaag. Balse dadka qaarkood haddii ay sameynayaan kiisas ay dalka uga baxayaan, waxaan ka codsaneynaa in aysan sidaas sameynin oo ay iska joogaan waddankooda.”

Intii la sii deynayay baxaabiista faraha badan, dambiileyaal badan oo aan xiriir la lahayn Taliban ayaa sidoo kale lasii daayay.

Markii uu ka hadlayay amniga haweenka garsooreyaasha ahaa, Mr Karimi waxa uu yiri:

“Arrinta ku saabsan dadka daroogada ka ganacsada, tuugada maafiyada ah, qorshaheennu waa inaan baabi’inno. Tallaabada aan ka qaadi doonno waa mid dhab ah.”

Maadaama ay yihiin haween si fiican wax u bartay, garsooreyaashan waxay ahaayeen kuwa biilka u soo shaqeeya qoysaskooda.

Balse hadda, mar haddii mushaarkii uu ka istaagay, bangiyadoodiina la xayiray, dhammaantood waxay dib ugu soo noqdeen nolosha ku xiran in ay qaraabadooda gacanta u hoorsadaan.

Gabdhaha reer Afghanistan oo iskuulka dhiganaya ka hor inta aysan Taliban qabsanin xukunka
Gabdhaha reer Afghanistan oo iskuulka dhiganaya ka hor inta aysan Taliban qabsanin xukunka

In ka badan soddon sano, garsoore Sanaa waxay sameyn jirtay baaritaanno ku saabsan dambiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.

Waxay sheegtay in kiisaskeeda badankood ay ku soo idlaan jireen in xukun lagu rido xubno ka tirsan Taliban iyo maleyshiyaad kale oo ka tirsan Isis.

“Waxaa telefoonka la iga soo wacay in ka badan 20 jeer iyadoo la ii hanjabayo, dadka isoo wacayayna waxay ahaayeen maxaabiis hore oo hadda lasii daayay.”

Hadda waxay meel kula dhuumaneysaa in ka badan toban qof oo ka tirsan xubnaha qoyskeeda.

Hal mar oo kaliya ayuu nin ka mid ah qoyskeeda dib ugu laabtay gurigii ay kasoo tageen. Balse isagoo laalaabaya dhar uu kasoo qaadi rabay halkaas, ayay u imaadeen xubno ka tirsan Taliban iyagoo watay gawaari dhowr ah oo ay ciidan hubeysan ka buuxaan, hal ninna uu hoggaaminayay.

“Albaabka ayaan ka furay. Waxay i weydiiyeen in gurigan uu yahay kii haweeneyda garsooraha ah,” ayuu yiri. “Markii aan u sheegay inaanan ogeyn meesha ay joogto, waxay iga soo tuureen jaranjarada. Mid ka mid ah raggii ayaa igu garaacay qorigiisa baadkiisa wuxuuna billaabay inuu i garaaco. Sankeyga iyo afkeyga waxaa qariyay dhiig.”

A blast wall in Kabul painted by local artists

Markii ay baxeen raggii hubeysnaa, ninkii ka tirsanaa qoyska Sanaa wuxuu aaday isbitaal.

“Qof kale oo qaraabadeyda ah ayaan u sheegay inay khasab nagu tahay inaan mar walba baddalno guriga ay walaashey ku nooshahay. Ma jiro xal kale oo aan heli karno. Waddan kale uma baxsan karno, xitaa Pakistan.”

U dagaallamidda xuquuqda haweenka

Muddo tobannaan sano ah Afghanistan waxay safka hore uga jirtay liiska waddamada ugu nolosha adag ee caalamka. Sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, qiyaastii 87% ka mid ah haweenka iyo gabdhaha yar yar ee dalkaas waxay la kulmaan tacaddi waqti ka mid ah noloshooda.

Balse dumarkan garsooreyaasha ahaa, oo ku dadaalayay in la hirgeliyo shuruucda lagu xoojinayo xuquuqda haweenka, waxa ay gacan ka geysteen in loo doodo fikradda ku saabsan in ciqaab la marsiiyo dadka lagu helo tacaddiga ka dhanka ah dumarka iyo gabdhaha.

Dadaalkaas waxaa ka mid ahaa in maxkamad lasoo taago rag lagu eedeynayo inay geysteen kufsi, jirdil, guur khasab ah, iyo sidoo kale in haween laga mamnuucay inay yeeshaan hanti ama ay iskuulka wax kasoo bartaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this