Deeq A. Posted September 29, 2021 Shiidaal khal-khal ku habsaday UK Dalka ingiriisku wuxuu leeyahay mid ka mid ah keydadka ugu waaweyn adduunka ee dhinaca shiidaalka iyo Gaasta, ingiriisku wuxuu sannadkii keydsada shiidaal dhan 4.4 Bilyan oo foosto oo shiidaal ah.Ingiriisku wuxuu sidoo kale maalin kasta badda waqooyi ka soo saara 1.7 milyan oo barrel oo salliid ah oo uu dhoofiyo. Waxaa inta u dheer ingiriiska waxaa ku jira shiidaal lagu qiyasay 20 Bilyan oo foosto sannadkii oo aan la taaban oo ay keyd ahaan dhulka hoostiisa ugu jira. Sidaasi oo ay tahay waxaa dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyay ingiriiska ka jiray khal-khal shiidaal la’aan baahsan oo kaalmahii shiidaalka ku habsatay. Gawaadhida ayaa safaf dhaadheer ugu jira kaalmaha shiidaalka, iyagoo qaarkoodna kaalmaha shiidaalku xadidayay cadadka shiidaal ee aad gaadhiga ku shuban karto Maxaa sababay Shiidaal saskani Ingiriiska ka dhacay Usbuucii hore ayaa madaxa guddida shiidaalayda ingiriisku wuxuu warbaahinta u sheegay in darawal la’aan baahsani soo food saartay gaadiidkii shiidaalka u kala daabuli ama qaybin jiray degmooyinka dalka ingiriiska, isla markaana ay suurtagal tahay in Shidaal la’aani dhacdo. Markii warbaahintu warkaasi tabisay ayaa mar qudha malaayiin qof ay ku xoonmen kaalmahii shiidaalka iyagoo dadkaasi badidood Shiidaal aanay u baahnayn ku qaadanaayay caagado iyo taangiyo, si ay u keydsadaan, taasi waxay keentay in mar qudha ay kala bataan shiidaalkii kaalmaha ku jiray iyo dadkii saska qabay ee sida qayral caadiga ah shiidaalka u iibsanaayay. Wasiirka gaadiidka ingiriiska oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay inaanay shiidaal la’aani jirin, balse shiidaal-sas jiro, dadkana been loo sheegay. Darawalada Gaadiidka oo Ingiriisku Baahi Badan U qabo Dawladda ingiriisku waxay shaacisay inay bixinayso kumanaan fiisooyin ah si darawalada gaadiidka xamuulka iyo shiidaalka ah dalka dibadiisa looga soo shaqo galiyo. Darawalada gaadiidka xamuulka ayaa sannadkii mushahar u qaata ilaa 70,000 oo gininga ingiriiska ah waa lacag ku dhaw 100 kun oo dollarka maraykanka ah, oo noqonaysa ilaa 6 kun oo Pound bishii ama ilaa 9 kun oo dollarka maraykanka ah bishii. Mohammed Abdi Hassan Diridhaba Qaran News Share this post Link to post Share on other sites