Sign in to follow this  
Deeq A.

 Sida loogu qoray+Sirta ku duugan Kitaabka Quraanka ah ee lagu qoray dhiigga Saddam Xuseen

Recommended Posts

Deeq A.   

 Sirta ku duugan Kitaabka Quraanka ah ee lagu qoray dhiigga Saddam Xuseen

Maarso 2003, waxaad ku arki kartaa bogag Qur'aan ah oo la sheegay in lagu qorey dhiiga Saddam Hussein masaajidka.
Maarso 2003, waxaad ku arki kartaa bogag Qur’aan ah oo la sheegay in lagu qorey dhiiga Saddam Hussein masaajidka.

Dabayaaqadii sagaashameeyadii, Saddaam Xuseen ayaa la kulmay sawir qaade, wuxuuna watay codsi la yaab leh.

Saddaam Xuseen, oo xukunka qabtay 1979-kii, wuxuu Ciraaq sii xukumayay illaa duulaankii Mareykanka uu dalkaas ku qaaday ee 2003-dii.

Wuxuu doonayay inuu nuqul ka sameeyo Kitaabka Qur’aanka, wuxuuna adeegsanayay dhiiggiisa si loogu qoro Kitaab Quraan ah.

Sida sheekada ku cad, Saddaam Xuseen wuxuu toddobaad kasta gacan siin jiray kalkaaliye caafimaad muddo laba sano ah, si uu u soo saaro dhiiggiisa looguna isticmaalo qorista Qur’aanka.

In kasta oo kharash badan uu ku baxay, tafaasiisha laga hayo ayaa haddana ah kuwa dad badan ay ku wareereen.

Laakiin sida ku cad sheegashooyinka soo noqnoqday, Saddaam Xuseen wuxuu isticmaalay 24 litir oo dhiig ah si loogu qoro 605 bog (114 suuradood) oo Quraanka ah.

Joseph Sasson, oo ah agaasimaha Xarunta Daraasaadka Carabiga Casriga ah ee Jaamacadda Georgetown ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in Qur’aanka lagu guddoonsiiyay Saddaam Xuseen uu ahaa mid uu si wayn ugu farxay.

Sasson sidoo kale waa qoraaga buug ka hadlaya Saddaam Xuseen, hoggaamiyihii hore ee Ciraaq.

“Sadam aad buu u faraxsanaa,” ayuu yiri Samuel Halfont, oo ah brofosoor ku xeel dheer istaraatiijiyadda siyaasadda ee Dugsiga Sare ee Badda ee California.

Masjidka Umm al-Qura ee Baqdaad waxaa dhisay Saddaam Xuseen
Masjidka Umm al-Qura ee Baqdaad waxaa dhisay Saddaam Xuseen

Nuqul ka mid ah Quraanka ayaa sidoo kale lagu keydiyay Masjidka Ummul-Quraa ee Baqdaad.

Masaajidka waxaa sidoo kale dhisay Saddaam Xuseen wuxuuna leeyahay afar minaaradood oo waaweyn. Dadka qaar ayaa rumaysan in minaaradda u eg tahay caarada qoriga Kalashnikov (AK-47).

Markii la soo bandhigayay kitaabkaasi Qur’aanka waxaa ka warramay warbaahinta Ciraaq iyo kuwa caalamiga ah.

24 litir oo dhiig ah ayaa la sheegay in loo adeegsaday qorista Qur’aanka

Halfont ayaa BBC -da u sheegay in 24 litir oo dhiig ah oo lagu daray kiimikooyin kala duwan loo isticmaalay sida khad ahaan.

mm
 

Ma noqon kartaa dhiiggii Saddaam Xuseen?

Joseph Sasson, oo ah agaasimaha Xarunta Daraasaadka Carabiga Casriga ah ee Jaamacadda Georgetown ee dalka Mareykanka ayaa yiri,, waa run in Saddaam uu dhiigiisa bixiyay, laakiin wuxuu weli ka shakisan yahay in dhiigga oo dhan uusan isaga ahayn; “maxaa yeelay waxaa loo baahnaa dhiig badan.”

Waxaa lagu qiyaasaa in qofkiiba uu deeq ahaa u bixin karo illaa 470-ml oo dhiig afar jeer sannadkii.

Tani waxay si cad u muujinaysaa in Saddaam uu ku deeqay diigiisa muddo saddex sano ah.

“Markaa sax iyo khalad ma wada noqon karo, laakiin isaga oo ka duulaya wixii ku dhacay wuxuu go’aansaday inuu ku deeqo dhiig si loogu adeegsado qorista Qur’aanka.”

 

Saddaam Xuseen
Saddaam Xuseen

Dhicitaankii dawladdii Saddaam Xuseen, 2003-dii ka dib, waaxaa la qariyay nuqulkii Quraanka ee dhiigga ku qornaa.

Weriyeyaal ayaa loo diiday nuqulkaas, waxaana lagu amray in marka hore ay raadsadaan oggolaanshaha Guddiga si loo tuso kitaabkaas.

Cabaas Shaakir Judi, oo mas’uul ka ahaa qorista, ayaa go’aansaday inuu ka tago Ciraaq oo uu ku noolaado gobolka Virginia ee Mareykanka.

Qaar badan oo ka mid ah taalooyiinkii Saddaam Xuseen ayaa laga qaaday Ciraaq, sannadkii 2003-dii.

Dhismayaasha uu isaga lahaa ayaa laga dhigay kuwa dad wayne.

Sida laga soo xigtay Halfont, “tani waxay caddeysay in ay tahay arrin la xiriirta diinta.”

Dhinaca kale, hoggaamiyeyaasha diinta iyo aqoonyahannada waxay sheegaan in dhiigga la isticmaalay uusan ka nadiifinayn qofka waxii uu galay, sidoo kale taariikhda Islaamka kuma jirto Kitaab dhiig lagu qoray.

Aaway Kitaabkaas Dhiiga lagu qoray?

Saddam Hussein
Saddam Hussein

Waxaad ka heli kartaa oo lagu qariyay mid ka mid ah masaajidada Baqdaad.

Markii Maraykanka uu galay waddanka, qofka masuulka ka ahaa kitaabkaas ayaa u sheegay wargeyska The Guardian ee Britain in “loo baahan yahay saddex fure si loo helo waraaqo badan…”

Furayaashaasi mid waxaa haystay saddaam, midna taliyaha booliiska halka midka saddexaad uu yaallo Baqdaad.

‘U adeegsiga diinta ujeeddooyin siyaasadeed’

Sasson wuxuu leeyahay Qur’aanka dhiigga lagu qoray wuxuu tusaale u yahay sida “kaligii-taliyaha u adeegsan karo wax kasta si uu u gaaro himilooyinkiisa siyaasadeed, iyada oo aan loo eegin diinta”.

“Dhammaadkii dagaalkii ay Iiraan la gashay ee sagaashamaadkii, Sadaam wuxuu ogaaday in fikirka diimeed ee Iiraan uu ku salaysan yahay Ciraaq”. Waxa uuna si cad u sheegay in dhalinyarada xisbiga Ba’ath ay u jeesanayaan xagjirnimada.

“Uma maleynayo inay noqdeen kuwo rumaystay,” ayuu yiri Sasson. Waxay arrintan u soo bandhigeen qaabab ujeeddooyin siyaasadeed ah.

Sawir la qaaday November 1988, oo muujinaya Saddaam Xuseen iyo qoyskiisa
Sawir la qaaday November 1988, oo muujinaya Saddaam Xuseen iyo qoyskiisa

Wuxuu sheegaa inuu saddaam dhisay masaajidyo iyo jaamacad weyn, taas oo uu ugu yeeray xarunta ugu weyn ee barashada Quraanka.

Wuxuu u haystay in ay tahay fikrad wanaagsan, sababtoo ah wuxuu u malaynayay in ay dadka ku qancin doonaan in ay taageeraan xisbigiisa.

Waxay u maleeyeen in taas ay u “sahlayso in ay dadka maamulaan iyaga oo adeegsanaya diinta,” ayuu yiri Sasson.

Waxa uu tusaale u soo qaatay Saddaam Xuseen, oo beddelay hab-dhaqankii uu kula macaamili jiray haweenka si uu u gaaro himiladiisa. Wuxuu u ololeeyay xuquuda haweenka sida in ay yeeshaan xuquuqda codeynta, waxbarashada ama shaqada.

“Wuxuu ahaa qof si dhab ah ugu dooda doorka haweenka ee bulshada laakiin 1990-kii ayuu beddelay codkiisii, wuxuuna billaabay inuu dhaho ‘haweenku waxay ku fiican yihiin guriga, shaqadooduna waa inay helaan carruur badan intii suurtogal ah’.”

Wuxuu leeyahay laba sababood ayaa jiray. “Nacaybka diinta iyo shaqo la’aanta ayaa kordhay.”

Toddoba milyan oo askari ayaa sidoo kale lagu dilay dagaalkii Kuwait.

Sida laga soo xigtay Sassoon, “wuxuu rabay in shaqooyinka haweenku ay ragga qaataan (sida ka dhacday Yurub dagaalkii koowaad ee adduunka ka dib) si loo yareeyo xiisadaha bulshada ee ka dhasha shaqo la’aanta.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this