Deeq A. Posted September 28, 2021 Shan arrimood ka ogow doorashada Itoobiya Doorashada Itoobiya Doorashada lixaad ee ka dhacaysa Deegaanka Soomaalida 30 bishan sagaalaad oo ka dib martay doorashadii badi dalka ka dhaxday 21 june ee isla sanadkan ayaa waxaa loo tartamayaa kuraasta baarlamaanka golaha deegaanka oo dhan 273 kursi iyo 22 ka mid ah 23 ka kursi ee Soomalida ku leeyihiin aqalka wakiilada shacabka ee dalka iyadoo kursiga 23aadna uu yahay kursiga Soomaalida ku leedahay ismaamulka Magaalada Diridhaba oo wareegii koobad ay ka qabsoontay doorashada 21 june Goobaha doorashada ay ka dhacayso 30 bisha September waxaa kale oo ay ka dhacaysaa Deegaanka Herarida iyo qaybo kamid ah deegaanka Shucuubta Koonfureed Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxa uu iminka ka koobanyahay 11 gobol iyo sagaashan iyo sadex degmo inkastoo gudiga doorashada uu ku saleeyay goob doorashooyinka 9kii gobol ee hore waana sidan habka ay kuraasta ugu qaybsantahay Gobolada deegaanka Soomaalida. 1:Gobolka Afdheer wuxuu leeyahay 32 kursi oo heer deegaan ah iyo 3 kursi oo heer federaal ah 2: Gobolka Fiiq/Erer& Nogob wuxuu leeyahay 33 kursi oo heer deegaan ah iyo 2 kursi oo heer federaal ah 3: Gobolka Goday/Shabeele heer deegaan 36 heer Federaal 2 4: Gobolka Jigjiga/Faafan heer deegaan 44 heer federaal 3 5:Gobolka Qoraxeey heer deegaan 23 heer federaal 1 6: Liibaan heer deegaan 27 kursi 1 heer federaal ah 7: 7:Shiniile/Siti heer deegaan 22 kursi iyo 3 kursi oo heer federaal ah 8: Wardheer/Doolo heer deegaan 18 kursi iyo 3 heer federaal ah 9: Jarar/Dhagaxbuur Heer deegaan 38 kursi iyo 4 kursi oo heer federaal ah 1- Xisbiya ka qeybgalaya Doorashadan oo markii hore ay isku diwaangaliyeen shan xisbi siyaasadeed taas oo ka dhigaysay doorashadii ugu horeesay ee xisbiyo intaa le’eg ka qaybgalkeeda ay isku diwaangaliyaan ayaa waxaa qaadacay ilaa iyo sadex xisbi oo miisaan leh ururka ONLF oo ugu danbeeyay in uu ka baxo loolanka doorashada lixaad ayaa warsaxaafadeef ay soo saareen 17 bishan ku sheegay in aysan ka qayb galeynin doorashadn oo xisbiyada mucaaradka ay ku eedeeyeen xisbiga talada dalka haya ee barwaaqo in ay boobeen kaararkii codeynta 2- Shan Milyan oo codbixiyeyaal ah Doorashada sanadka waxaa isku diwaangaliyay sida ay sheegeen gudiga qaran ee doorashooyinka tiradii ugu badneed ee codbixiyayaal ah tirada is diwaangalisay oo lagu sheegay in ka badan shan milyan oo qof ayaa noqonaysa in doorashadan ay codeyn doonaan tirada ugu badneed ee codbixiyayaal ah walow siyaasiyinta axsaabta mucaaradka ay tiradaasi shaki weyn ka muujinayaan 3 – Ololaha Ololaha ayaa si xoog leh ku socda Waxaa heerkii ugu sareesay gaadhay isku soo baxa taageerayaasha xisbiga talada haya iyadoo degmooyinka iyo magaalooyinka deegaanka lagu arkayay olole xoogan oo xisbiga talada haya uu ku muujinayo taageeradiisa xili aysan jirin xisbi loolan kula jira Caasimadda deegaanka ee jigjiga ayaa maalmahii ololaha lagu arkayay isku soo baxyo taageero loogu muujinayo xisbiga barwaaqo oo aad abaabul uga muuqda mararka qaarna hakad galinayay isku socodka bulshada taas oo ay cabasho ka miujinayeen qaar ka mid ah bulshada caasimadda ku dhaqan 4- Haweenka Musharixiinta ah Dumar badan ayaa musharixiinta Tiradii ugu badneed ee hawern ah ayaa waxaa soo sharaxday xisbiga talada deegaanka haya ee barwaaqo 81 ka mid ah 273ka kursi ee golaha baarlamaanka deegaanka ayaa waxaa u sharaxan haween halka ay 23ka murashax ee kuraaasta baarlamaanka heer federaalna ay 9 ka mid ah haween yihiin 5- Musharixiinta Madaxa banaan Tiradii ugu badneed ee murashaxiin madax banaan ayaa isku diwaangalisay loolanka doorashadan lixaad ee ka dhacaysa sanadkan Deegaanka soomaalida 92 murashax ayaa isku diwaangalisay in si maadax banaan ay ooga qeybgalayaan doorashadan kwaas oo shan ka mid ah u tartamayaan kuraasta heer federaal laakin waxaan ila hadda xog rasmi ah laga hayn tirada dhabta ah ee ilaa hadda mowqifkoodaas ku sii dhagan iyadoo doorashadan ay hadheeyeen eedeymo ka dhan xisbiga talada deegaanka haya ee barwaaqo oo lagu eedeeyay in kaakarkii codbixinta musuqay Qaran News Share this post Link to post Share on other sites