Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Angela Merkel oo looga guulaystay doorashada Jarmalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Dimuqraadiga bidixda dhexe ee dalka Jarmalka ayaa si dirqi ah ugu guuleystay doorashooyinkii federaalka ee ka dhacay dalkaasi, iyagoo ka adkaaday xisbiga Chancellor Angela Merkel ee xilka ka sii degaya, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah.

Xisbiga Dimoqraadiga ee SPD ayaa xaqiijiyay in ay heleen codad gaaraya 26% , halka xisbiga muxaafidka ah ee talada haya uu helay 24.1%.

kaalinta sadexaad waxaa galay Xisbiga The Greens oo isna helay 14.8% ,waana  natiijadii ugu wanaagsaneyd taariikhda ee ay helaan xisbigaasi ama ay gaaraan.

Inkastoo aysan jirin xisbi sheegan kara aqlabiyad ama in uu helay 50%,haddana,waxaa suurtagal ah in fursad la siiyo xisbiga ku guuleystay doorashooyinka ama in la abuuro isbaheysi si loo dhiso dowlad muddo afar sano ah matasha shacabka dalka Jarmalka.

PUNTLAND POST

The post Xisbiga Angela Merkel oo looga guulaystay doorashada Jarmalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this