Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxihii Is Baddal Doonka Ahaa Ee Ka Dhex Dillaacay KULMIYE Una Badan Wasiirradii Xukuumaddii Siilaanyo Oo Wali Kulamo U Socdaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa wali xaalad dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ah ku jira kulammo hoose oo xidhiidh ahina u socdaan xubno kaadiriin ah oo xilal kala duwan oo wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland gaar ahaan xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo muddo dheerna ka tirsanaa xisbiga KULMIYE oo ay si weyn ula soo shaqeeyeen.

Mid ka mid ah kulamadii ugu dambeeyey oo toddobaadkan ka qabsoomay Huteel Ambasaddor ee Caasimadda Hargeysa waxa isugu yimid xubno badan oo xilal wasiirro ah ka soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siiilaanyo kuwaasi oo la sheegay in ay si weyn u saluugsan yihiin xaaladda xisbiga KULMIYE iyo siyaasadda Hogaamineed ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la filayo in uu sannadkan dabayaaqadiisa si rasmi ah u shaaciyo in uu u taagan yahay doorashada Madaxtooyada ee sannadka dambe la filayo in ay dalka ka qabsoonto oo uu u tartami doono muddo xileedkiisa labaad.

Xubnahan is baddal doonka ah ee KULMIYE horena uga tirsanaa xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid ahaayeen Aqoonyahan Wasiir hore Yuusuf Cismaan Garas, Wasiir hore  Cabdirashiid Gargaar, Wasiir hore Cumar Shucayb Maxamed, Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Somaliland horena xilal wasiiru dawle uga soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo Maxamuud Warsame Jaamac iyo Wasiir Hore Axmed Cali Ubaxle.

Ilo-xog ogaal ah oo wargeyska FOORE u warramay waxa ay noo xaqiijiyeen in Kulankan oo ka mid ahaa kulamada xidhiidhka ah ee u socda xubno badan oo kuwan iyo kuwo kaleba isugu jira oo dhammaantood ah siyaasiyiin miisaan weyn ku leh deegaamada dalka, xukuumadihii kala dambeeyey ee Kulmiye-na si weyn ula soo shaqeeyey, xisbiga KULMIYE na xilal badan ka haya haddii ay tahay Golayaashiisa kala duwan ayaa waxa ay ka wada xaajoodeen sidii ay u qaadan lahaayeen mawaaqif siyaasadeed oo degdeg ah iyada oo ay dhawaan bilaabmeen dhaqdhaqaaqyada ay xubnahani wadaan waana isla xubnaha ay ka mid yihiin wasiirradii hore ee Cukuse, Maxamuud Xaashi iyo Saleebaan Xaglo-toosiye kuwaasi oo la sheegay in ay isu abaabulayaan sidii ay uga digo rogan lahaayeen xisbiga KULMIYE cududdooda siyaasina ugu biirin lahaayeen xisbi iyo musharrax madaxweyne oo kale oo ay wax la qabtaan, sidoo kalena ay si weyn uga ololeeyaan xisbiga KULMIYE iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wararka aanu ka helnay kulamadani waxa ay noo xaqiijiyeen in siyaasiyiintan waaweyn ee is abaabulay ay Masuul-Hawleed (Focal Point) ka dhigteen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka xukuumaddii Siilaanyo Siyaasi Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo isagu hogaamin doona kooxahan is baddal doonka ah ee abaabulan. Kuwaasi oo la filayo in ay dhawaan shaaca ka qaadaan ugu dambayn go’aankooda siyaasiga ah iyo halka ay isugu lugo-duwanayaan.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayay xogaha aanu helaynaa sheegayaan in uu isu diyaarinayo in uu siyaasiyiintan kasbado si ay taageeradooda siyaasadeed iyo cududdooda ula garab joogsadaan taasi oo dhawaan la filayo in ay si rasmi ah u soo shaac baxdo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this