Sign in to follow this  
Deeq A.

Saadaasha Ka Guushu Raaci Doonto Xisbiyada Ugu Awoodda Badan Somaliland KULMIYE Iyo WADDANI Mar Kale Haddii Ay Doorashadu Wakhtigeedda Ku Qabsoonto

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo ay ka hadhsan tahay wakhtiga la filayo inay Doorashaddii Madaxtooyadu dalka ka qabsoono muddo sannad ku dhawi,  ayaa waxa isasoo tararaya saadaasha iyo halka loo badaniyo inay guushu ama codadka bulshadu u bataan, arintani ayaa maalmihii u dambeeyay laga dareemayay siyaasiyiinta guur guur ee marba halka naqo ku da’o  ama Guushu u janjeedho u doog dhabta.

Inkasta oo aanaan helin daraasad caalami oo si rasmi ah daaha uga rogtay ama u soo bandhigtay Arintani balse anaga oo ka shidaal qaadanayna dabaysha Siyaasaddeed ee hadda dhacaysa iyo waxyaabaha ay ka matasho waayihii siyaasadeed ee aan soo marnay, ayaa waxa si weyn loo dareemayaa in dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee hadda socdaa uu si dhaw ugu sansaan egyahay Dabaylihii siyaasadeed ee wakhtigii UDUB iyo KULMIYE 2010-kii, waxaana muuqda in KULMIYE hadda kujiro booskii UDUB Wakhtigaasi kujiray kaasi oo si weyn loo saluugsanaa hogaamintiisa, halka uu Xisbiga WADDANI isna ku jiro kaalintii wakhtigaasi uu KULMIYE ku jiray.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  ayaa waxa uu waajahayaa laba caqabadood oo guuldaraddii ugu weynayd u horseedi kara, lagana sii dheehan karo Doorka uu ku yeelan karo doorashada soo socota. Arinta koowaad ayaa ah, in Madaxweyne ay si weyn u saluugsan yihiin Bulshada Somaliland, guud ahaan iyo gaar ahaan deegaamaddii markii hore uu ka helay codadka ugu badan kuwaasi oo qaar ay sugi kari laayihiin codaynta aadna loo aaminsan yahay inay codadkoodu u janjeedhsadaan dhinaca Xisbiyada Mucaaridka. Dadka badan kooda ayaa u arka inay hungo kala kulmeen Hogaaminta Madaxweyne Biixi.

Caqabada labaad ayaa waxay tahay in Madaxweyne Biixi uu sidoo kale ka waajahayo Xisbigii KULMIYE tafaraaruq la mid kii UDUB qabsaday wakhtiyaddii 2010kii. Siyaasiyiin miisaan ku lahaa Xisbiga ayaa maalin walba ka huleelaya, dhinaca kale Xisbigii ayaa fadhiid ah islamarkaana la garan laayahay cid hogaamisa iyo hanaanka uu u shaqeeyo midnaba. Kulmiye ayaa xaalad adag ku jira oo taageerayaashiisu ay aad u saluugsan yihiin.

Dhinaca kale, Xisiga WADDANI ayaad moodaa inay cadceed cusubi u soo baxday waxaanu Musharaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi rajo fiican u arkaa inay mar kale iswaajahaan Madaxweyne Muuse Biixi oo uu u arko inuu galin horeba ka guulaysan karo haddii ay doorashada Madaxtooyaddu wakhtigeeda ku qabsoonto.  Arrimo badan ayaa uu WADDANI u arkaa innay Guusha u horseedi karto, taasi oo ay ka mid yihiin in hogaaminta Madaxweyne Biixi aad loo saluugsan yahay islamarkaana aanay bulshadu mar kale cod siin karin, dhinaca kale waxa  uu WADDANI u arkaa in Deegaamaddii laga soo doortay Madaxweyne Muuse Biixi wakhtigii hore uu hadda WADDANI gacanta ku dhigay intooda badan oo ay is baddaleen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this