Sign in to follow this  
Deeq A.

Cuntadee ayay Soomaalidu caalamka ugu faantaa marka ay Itoobiya ku faanto Canjeelada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Cuntadee ayay Soomaalidu caalamka ugu faantaa marka ay Itoobiya ku faanto Canjeelada?

A platter for two with rice, pasta, hilib (lamb), chicken and beef suqaar at a Somali restaurant in Maine, the US

Musalsalka BBC-da ee lagu soo bandhigo sheekooyinka ay soo qoraan wariyeyaasha reer Afrika, ayuu Ismaaciil Caynaashe uga hadlayaa muhiimadda uu leeyahay raashinka ay karsadaan dadka laga qixiyay dalkooda.

Muddo aan saas usii fogeyn, maqribnimo Jimce ah oo uu roob ka da’ayay London, ayaa koox saaxiibbadeey ah kusoo dhaweeyay guriga aan dagganahay, si ay iila wadaagaan cunto Soomaali aan diyaarinayay muddo saacado ah.

Waxaa ku jiray noocyo badan oo ka mid ah raashinka ay Soomaalida jecel yihiin, sida bariis iyo hilib, kuwaasoo aan ku kariyay dhirta carafta ee ay ku jiraan heyl, xawaaji iyo dhagayare.

Waxyaabahan waxay raashinka si rasmi ah uga dhigayaan cunto Soomaali – oo waxyaabo badan ka kooban aadna u macaan.

Baariska waxaan la keenay hilib – gaar ahaan nooca hilib geel – oo ah mid si tartiib ah muddo saacado ah loogu huuriyay geedo caraf kulul oo ay ka mid yihiin basal iyo toon.

Waxaa kale oo aan miiska soo dhigay cunto Soomaalidu aad u isticmaalaan oo ah baasto suugo looga dhigay hilib shiidan – waana raashin kasoo aasaasmay markii ay Soomaaliya ku jirtay gumeysigii Talyaaniga.

Balse Soomaalida waxay ka baddashay in in ku darsato hilibka lo’da, ariga ama geela, annagoo ku carfinna geedo aan si gaar ah u naqaanno, kuwo kalena ku kululeyna, sida basbaaska.

Men at a Somali restaurant in the US - archive shot
Cunto Soomaaliga waxaa laga heli karaa makhaayadaha Soomaalida iyo guryaha Soomaalida qurbo joogta ah

Raashinka Soomaalidana wali ma dhammeystirna haddii aan lasoo raacinin moos iyo basbaas shigni. Shigniga waxaa laga sameeyaa basbaaska cagaaran oo lagu kariyay yaanyo, raqay iyo kabsar caleen.

Mar walba waan jeclaan jiray inaan kariyo iyo inaan cuno raashinka ay caanka ku yihiin Soomaalida.

Sannadihii aan barashada cunto karinta waday waxaan ku qaatay jikada anigoo daawanaya dumarka qoyskeenna oo diyaarinaya cunto aad cajiib u ah.

Balse bilihii ugu dambeeyay, oo aan ku xayirnaa London, saraffadiina loo joojiyay cudurka Covid-19 awgiis, waxaan ogaaday in raashinka aan karsanayay uu aad ugu ekaaday cunto Soomaaligii la yaqaannay.

A dish of Somali bolognese
Spaghetti oo la Soomaaliyeeyay

Hadal-heynta cunto Soomaaliga waxay kusoo aadday xilli sanadkan uu ku asteysan yahay taariikh weyn – maadaama 2021-ka uu ku beegan yahay 30 guuradii kasoo wareegtay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo billaabashada dagaalka sokeeye.

Marka aan sameeyo cunto Soomaaliga, anigoo jarjaraya basal badan ama isticmaalaya alwaaxa hibilka lagu jarjaro, ama xitaa aan cabayo shaah Soomaali – oo ka sameysan caano, caleen iyo geedo kulkulul – maskaxdeyda waxaa dib ugu soo dhaca maalmihii aan qoyskeyga kula noolaa magaalada Hargeysa, oo ah caasimadda meesha hadda loo yaqaanno Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Qoyskeyga waxay sida qoysas badan oo Soomaali ah ugu khasbanaadeen inay ka cararaan gurigooda ayna qaxooti ku noqdaan Itoobiya, ka hor inta aysan nolol cusub ka billaabin waddanka UK.

Qaddarinta dhaqankaaga

Hadda markaan daawado musiibada ka dhaceysay Afghanistan, waxaan soo xasuustaa xanuunka ay leedahay in gurigaaga lagaa qixiyo.

Waxaad waayi kartaa waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin luuqaddaada, laakiin raashinka – waxyaabaha lagu daro, nooca cuntada iyo magacyadeeda way kula soconayaan.

Waxay noqoneysaa hab aad ku qaddariso dhaqankaaga – iyo hab aad sidoo kale ku muujiso jacaylka aad u qabto saaxiibbadaada cusub ee aad ku baratay waddanka aad timid.

Si ka duwan cuntooyinka dalalka kale ee Bariga Afrika, sida raashinka Eritrea ama Itoobiya, aad bay u yar yihiin dadka yaqaanna cunto Soomaaliga.

Laakiin raashinka Soomaalida waxaa laga yaabaa inuu mar dhow soo caan baxo, taasoo looga mahad celinayo cunto karisada Mareykanka daggan ee lagu magacaabo Xaawo Xasan iyo buuggeeda raashin karinta sharraxaya. Buuggaas wuxuu toos ku ifinayaa qaar ka mid ah cuntooyinka ugu muhiimsan ee ay leeyihiin dalalka Bariga Afrika, oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Waxaa kale sii kordhaya kanaallo Youtube ah ama Instagram ah oo lagu sii daayo cashirro ku saabsan sida loo kariyo cunto Soomaaliga.

 

Hawa Hassan with cookbook
Xaawo Xasan waxay ka mid tahay qurbo joogta soo caan bixisa cunto Soomaaliga

Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, karinta cuntada Soomaalida waxay inta badan keentaa xasuus farxadeed oo qoyska dhexdiisa ah.

Balse waxay sidoo kale igu abuurtaa walwal marka aan ka fikiro sida aan loo aqoonin cuntada Soomaalida – haddase waxaa la joogaa waqtigii ugu fiicnaa ee raashinka Soomaalida uu heli lahaa aqoonsiga uu mudan yahay.

Cuntada Soomaalida marka la sameynayo, wax walba waxa uu ka billowdaa xawaash, oo ah geedo la isku dardaray oo isugu jira miraha xawaajiga, kabsarta, filfil, qorfe, heyl, dhagoyare iyo huruud.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this