Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay xiisad ka dhex jirta Sudan iyo Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Militariga Sudan ayaa sheegay in ay iska caabiyeen isku day ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen xuduudda kala qeybisa labada dal.

Ciidamada Ethiopia waxaa lagu qasbay in ay dib uga gurtaan aagga Umm Barakit, waxaa sidaas lagu yiri wa-saxaafadeed militariga kasoo baxay, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Madaxa militariga Sudan, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, ayaa weriyayaasha u sheegay dhacdadaas.

Waxa uu sheegay in ay muujisay sida militariga ay u ilaalinayaan dalka, xilli uu isku day afgambi ka dhacay Khartoum, toddobaadkii tegay.

Afhayeenka militariga Ethiopia, Colonel Getnet Adane ayaan ka jawaabin codsi ku saabsanaa in uu ka hadlo dhacdadan.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u dambeeyay xiisad ka dhex jirta Sudan iyo Ethiopia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this