Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Deni iyo Beesha Caalamka?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16326591454699266.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Garowe kula kulmay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Per Lingarde.

Madaxweyne Deni iyo wakiilada Ceesha Caalamka ayaa ka wadahadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sida doorashada hordhaca goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufryn, doorashada heer federaal iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland.

Muuqaal: Shirka jaraa’id Madaxwene Deni iyo James Swan

“Waxaan aad xoogga u saarnay sidii xal looga gaari lahaa sidii ay u qabsoomi lahayd Doorasho ku dhacda Jawi degan, oo nabdoon oo laga gudbo dhammaan caqabadaha hadda hareeyay ee hortaagan, caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee jira iyo kuwa farsamo ee imaan kara ama taaganba, waxaan aad u rajeynaya in dalka Soomaaliya hore u tallaabsan doono, doorashadana wakhtigeeda ay noqon doonto hadii alle idmo , caqabadaha jirana runtii dadka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya beesha caalamka ee ay qaybta ka yihiina , ay xallin doonaan hadii illaahay idmo si hore loogu socdo. Waxaan rajeynaya in Isbedelka dadka Soomaaliyeed ay sugayaan iyo deganaansho nabad u horseeda inuu abuurmi doono hadii alle idmo” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

FB_IMG_16326591540537522.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Puntland wuxuu boggaadiyey mashaariicda ka qabsoomay Puntland “Waxaan ku faraxsanahay waxyaabihii qabsoomay sanadka lagu jiro oo Hay’addaha iyo ururada deeqda bixiya , ee ay ugu horeyso Midowga Europe, Wadamada Sweden ay gacanta ka geysteen mashaariicda socota iyo guud ahaan Hay’addaha UNKa ah ee halkan ka howlgala , waxaan rajeynaya in ay muhim aheyd waxyaabihii qabsoomay.”

James Swan Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hoggaaminayay wakiilada ka socday Beesha caalamka, ayaa dadka reer Puntland Dowladd iyo Shacab ugu hambalyeeyay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo maanta ololihii ururadda siyaasadda ka bilowday Qardho, Ufeyn iyo Eyl, degmooyinkaasi oo 25-ka October 2021 ay ka dhici doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xgeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Deni iyo Beesha Caalamka? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this